Juventus Oo Ka Tashatay Andrea Pirlo, SADDEXDA

Kooxda Juventus ayaa wakhti u qabatay tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Andrea Pirlo iyadoo sida ay saxaafadu sheegaysay dooratay saddex tababare oo ay u aragto kuwa ay ku bedeli karto haddii ay shaqada  kooxdeeda dhawaan ka caydhiso Pirlo.

Sida uu sheegayo wargeyska Le Repubblica, Juventus ayaan haysan lacag ku filan oo ay kula saxeexan karto Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola mid ahaan isla markaana saddexda tababare ee Pirlo bedeli kara u dooratay Gian Piero Gasperini, Simone Inzaghi iyo Luciano Spalletti.

Cadaadiska ayaa noqday mid aad ugu kordhay Pirlo kaddib guuldarradii ay toddobaadkan kooxdiisu kala kulantay kooxda Benevento oo kamida kooxaha ka ordaya inay heerka hoose u dhacaan.

Bianconeri ayaa hadda 10 dhibcood ka dambeeya kooxda hoggaanka u haysa Serie A ee Inter Milan sidoo kalena wareega 16-ka ee Champions League ayaa dhawaan lagu reebay.

Juventus ayaan doonayn inay shaqada ka caydhiso Pirlo inta uu xilli ciyaareedku socdo balse haddii ay xaaladu sidan kasii xumaato ku xigeenkiisa Igor Tudor ayaa ah midka loo magacaabi karo tababaraha ku meel gaadhka ah.

Marka laga yimaado Gasperini, Inzaghi iyo Spalletti sidoo kale waxa liiska ku jira tababarihii hore ee Juventus ee Massimilano Allegri balse xidhiidhka kala dhaxeeya Pavel Nedved iyo Fabio Paratici oo ah mid aan fiicnayn ayaa keeni kara inuusan kooxda kusoo laaban lahaa.

Tababare Gasperini ayaa ah mid wacdarro ku dhigaya kooxdiisa Atalanta oo uu si joogto ah ugu soo saaro Champions League, sidoo kale Inzaghi ayaa ah mid isku muujinayay sanado badan Lazio oo uu xataa koobab la qaaday iyo tababarihii hore ee Argentina ee Spalletti.

Bishii Febuary ayay ahayd midii ay Juventus shaacisay inay gashay khasaare 113 Milyan euro ah taas oo ka dhigan inaysan la saxeexan karin tababarayaasha waaweyn sida Klopp iyo Guardiola.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More