Jurgen Klinsmann Oo Magacaabay Lixda Ciyaartoy Ee Ingiriiska Ah Ee

Halyeyga reer Germany ee Jurgen Klinsmann ayaa shaaciyey magacyada lix ciyaartoy oo ka tirsan xulka qaranka England oo cabsi ku abuuraya xiddigaha xulka Germany oo ay Salaasada habeen dambe ku kulmi doonaan wareegga 16ka tartanka Euro.

England iyo Germany ayaa ku wada ciyaari doona garoonka Wembley ee magaalada London, waana kulan aad loo sugayo oo ay ku lammaan yihiin xasuuso waaweyn iyo murugooyin ay Ingiriisku illoobi la’ yihiin.

Warbaahinta iyo falanqeeyeyaasha kubadda cagta ayaa England u saadaalinaya inay badin doonto ciyaartan, iyadoo ka aargoosanaysa Germany oo sannadkii 1990kii ka reebtay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Talyaaniga iyo Euro 96.

Jurgen Klinsmann oo weerarka uga ciyaari jiray Jarmalka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ingiriisku haystaan ciyaartooyo badan oo heersare ah, laakiin uu qiimayn doono marka ay ka hor tagaan waddankii Jarmalka.

Lix ciyaartoy ayuu si gaar ah usoo xushay Jurgen Klinsmann, waxaana ugu horreeya Phil Foden oo uu ku tilmaamay laacibka uu la dhacsan yahay ciyaartiisa iyo Harry Maguire oo uu barbar-dhigay halyey reer Brazil ah.

Klinsmann oo u warramayay Alan Shearer oo la shaqeeya wargeyska The Athletic ayaa yidhi: “Waxa aad haysataan Raheem Sterling, waxa aad haysataan Mason Mount. Waxa aad hadda hesheen Saka oo si fiican u ciyaaray kulankii Czech. Waxa aad haysataan Phil Foden oo runtii aan jecelahay, sannad cajiib ahna kusoo qaatay Man City.

“Waxa aad haysataan Harry Maguire oo si walba u cabsi geliya qof walba marka uu wiilkani dhex wareego khadka dhexe. Aniga waxa uu isoo xasuusiyaa Lucio, difaacii dhexe ee Brazil – wuxuu u muuqdaa baabuurka Mustang isagoo eryanaya qof walba.

“Ugu dambayntiina waxa aad haysataan No.9 dilaa ah [Harry Kane] oo aan wali bilaabanin [qaab fiican ku bilaabanin] tartanka.”

Jurgen Klinsmann waxa kale oo uu sheegay in ciyaaryahannadani ay cabsi ku hayaan xiddigaha Jarmalka, laakiin haddana aanu isagu shaqsiyan walaac ka qabin oo dalkiisu iska caabbin karayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More