Jose Mourinho Oo Saadaaliyay Halka Uu Xulka England Gaari Doono Ka Dib

Jose Mourinho ayaa filanaya in England ay gaarto finalka Euro 2020 ka dib markii ay Jarmalka garaaceen iyagoo buukintay booskooda wareega sideed dhamaadka.

Goolal qeybtii labaad ah oo ay dhaliyeen Raheem Sterling iyo Harry Kane ayaa ka caawiyay xulka England inay 2-0 kaga badiyeen Jarmalka ciyaar ka dhacday garoonka Wembley xalay oo Talaado aheyd.

Waxay aheyd guushii ugu horerysay ee ay England ka gaarto Jarmalka tartan rasmi ah oo wareegiisa kala baxa tan iyo Koobkii Adduunka ee ay ku guuleysteen sannadkii 1966.

Xulka England ayaa kaalinta koowaad uga soo baxay group-kooda ka dib labo guul ay gaareen uyo barbaro, waxayna seddex guul u jiraan inay markii ugu horeysay abid ku guuleystaan koobka Qaramada Yurub.

England ayaa wareega sideed dhamaadka la dheeli doonta xulka Ukraine halka haddii ay gudbaan ay semi-finalka kula dheeli doonaan Denmark ama Czech Republic.

Mourinho ayaa aad u la dhacay guushii ay England ka gaartay Germany, wuxuuna haatan filayaa in xulka Seddexda Libaax ay gaari doonaan finalka halkaasoo ay kula dheeli karaan midkood Switzerland, Spain, Belgium ama Italy.

“Waxaan daawaday ciyaartii aan filanayay inaan daawado” ayuu tababarihii hore ee Tottenham, Man United, Chelsea, Inter, FC Porto iyo Real Madrid u sheegay idaacada talkSPORT.

“Kulan weyn ayuu ahaa. Labada xul si weyn ayay isku ixtiraamayeen, laakiin aniga feker ahaateyda England ayaa aad u adkeyd, waqtigii saxda ahaa ayayna is muujiyeen.

“Nasiib ayaa sidoo kale saaciday taasoo iyadana loo baahan yahay. Waan u faraxsanahay Southgate iyo ciyaartoyda iyo taageerayaasha England sababtoo ah waqti weyn ayay u aheyd.

“Waxaan ku fekerayaa malaha in koobkaan la guri keeni doono laakiin weli koobka ma imaanin. Weli wado dheer ayaa sugeysa.

“Ma arko England oo looga badinayo wareega sideed dhamaadka ama semi-finalka laakiin waa in la ixtiraamo kubada cagta. France waa ay hartay sababtoo ah ma aysan ixtiraamin ciyaarta.

“Niyadjab weyn ayay noqon doontaa haddii aysan England gaarin finalka.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More