Joan Laporta Oo Daboolka Ka Qaaday Xaaladda Halista Ah Ee Ay Ku Jirto

Xaaladda dhaqaale ee ay ku sugan tahay kooxda kubadda cagta Barcelona waa mid halis ah, waxaanay daynta lagu leeyahay gaadhay £1.15 bilyan oo Gini, xilli ay la dhibaatoonayaan bixinta mushaharooyinka ciyaartoyda.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa Isniintii maanta waxa uu daboolka ka qaaday xaaladda halista ah ee ay ku sugan tahay kooxdu iyo in xataa ay ku adag tahay in ay bixiso mushaharooyinka ciyaartoyda iyadoo uu ka maqan yahay Lionel Messi oo ay awoodi waayeen in ay sii haystaan.

Laporta ayaa si ba’anu eedeeyey madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Josep Maria Bartomeu oo bishii October shaqada ka tegay, kaas oo tilmaamay in muddadii uu joogay ay kooxdu quustay mawjado dhibaatooyin iyo deymo ah.

Kooxdan weyn oo xilli ciyaareedkii tegay oo kaliya aan ku guuleysanin horyaalka LaLiga, laakiin tartanka Champions League ka soomanayd tan iyo 2015kii, ayuu Laporta daboolka ka qaaday in ay marayaan heer ay soo amaahdaan mushaharka ciyaartoydooda oo ay bixiyaan shirkado, kaddib markii ay kooxdu awoodi weyday in ay bixiso.

59 jirkan oo warbaahinta hor yimid kaddib guushii koowaad ee Barcelona ee xilli ciyaareedkan, waxa uu tilmaamay in uu ku qasbanaaday in uu £68 milyan oo amaah ah kasoo qaato shirkadda Goldman Sachs si uu kaliya ugu bixiyo mushaharooyinka maadaama qasnadda kooxdu ay madhan tahhay.

Isaga oo tilmaamaya heerka xaaladda dhaqaale ee kooxdu uu marayo, waxa uu xusay in dakhliga kooxda ay 103% ku baxdo mushaharka ciyaartoyda oo gaadhaya £524 milyan oo Gini sannadkii, halka sannadkan u dambeeyey ay kooxdu gashay khasaare gaadhaya £77 milyan oo Gini.

“Waxa aanu qaadanay siyasad qas dhaqaale iyo mushahar oo dhaawac badan noo geysatay.” Ayuu yidhi Laporta oo eedaymo u jeedinayay Bartomeu.

Waxyaabaha uu saluugga ka muujiyey waxa ka mid ah, in ciyaartoyda da’yarta ah heshiisyo waqti gaaban ah ay kooxdu siisay halka ciyaartoyda waaweyn ee cimrigooda ciyaareed gabogabada yahay na ay heshiisyo waqti dheer ah siiyeen madaxdii ka horreysay.

“Waxa jira 119 arrimood oo mid walba ku kacayso £1.5 milyan.” Ayuu yidhi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More