Wakhtiga Uu Erik Ten Hag Ogaan Doono Go’aanka Mustaqbalkiisa Oo La Ogaaday.

Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa inuu todobaadkan ogaan doono hadii uu sii ahaan doono tababaraha kooxda iyo hadii kale.

Mustaqbalka Ten Hag ee Man United ayuu shaki ku jiraa iyada oo kooxdu ku dhamaystay kaalinta 8-aad ee kala saraynta premier League.

Maamulka Man United ayaa bilaabay qiimaynta waxqabadka tababaraha xilli ciyaareedka si ay go’aan uga gaadhaan.

Ten Hag ayaa Man United ku hogaamiyay ku guulaysiga FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen kooxda Man City.

Sida laga soo xigtay Sky Sport, Ten Hag ayaa ogaan doona go’aanka Maamulka Man United.

Ten Hag ayuu Hal Sano uga dhiman yahay heshiiskii 3-da ano ee uu saxiixay markii loo magacaabay tababaraha kooxda anadkii 2022.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More