Garsoore Caan Ah Oo 15 Bilood Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay Ka Dib Rigoore

Garsooraha reer Serbia Srbjan Obradovic ayaa lagu xukumay xabsi 15 bilood ah iyo 10 sannadood oo laga mamnuucay shaqada garsoorenimo ka dib rigoore uu dhigay seddex sannadood ka hor.

Obradovic ayaa dhex dhexaadinayay kulan u dhaxeeyay kooxaha Spartak Subotica iyo Radnicki Nis ee horyaalka Serbia sannadkii 2018, kulankaas lagu go’aansanayay kooxda u soo baxeysa koobka Europa League.

Garsooraha ayaa labo rigoore u dhigay Subotica intii ay ciyaarta socotay, labada rigoore waa la dhaliyay taasoo keentay inay Subotica 2-0 ku badisay halka kooxda Nis ciyaaryahan laga saaray.

Muuqaalkii laga duubay ciyaartay ayaa muujinaya in rigoorada labaad oo la dhigay ciyaarta oo 13 daqiiqo ay ka harsan tahay in loo dhigay sabab la’aan.

Ma jirin wax qalad ah oo dhacay haba yaraatee, xitaa ciyaartoyda kooxda Subotica ma aysan dalbanin rigoore laakiin garsooraha ayaa seerigiisa yeeriyay oo tilmaamay gool ku laad.

Haatan garsooraha waxaa ciqaabtay waaxda ka hortaga musuqmaasuqa ee maxkamada sarre ee Novi Sad.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka Serbia Tanjug, garsooraha ayaa muddo ka badan sannad xabsi ku qaadan doona halka sidoo kale laga mamnuucay isboortiga oo dhan muddo 10 sannadood ah.

Obradovic ayaa sheegtay inuu arkay kubad gacanta lagu taabtay xerada ganaaxa dhexdeeda iyadoo uu go’aankiisa ku taageeray calanwadaha, taasna ay sabab u aheyd inuu dhigo rigoorada.

Ciyaaryahanka kooxda Nis, Milan Pavkov oo haatan u dheelaya kooxda Red Star Belgrade ayaa casaan la siiyay ciyaartaan isagoo qaatay labo jaale oo isku xiga oo kaliya ay daqiiqado u dhaxeeyaan.

Weeraryahanka ayaa ka qeyb galay maxkamadeynta garsoorahaan isagoo ahaa marqaati.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More