Frank Lampard labadii guuldaro ee isku xigta

Frank Lampard ayaa fariin naxdin leh u diray ciyaartoydiisa kooxda chelsea kadib markii ay Blues lumisay hogaankoodii kulankii ay guuldarada 2/1 ah kala kulantay kooxda Wolves.

Chelsea ayaa hogaanka qabatay saacad kadib goolkii Olivier Giroud, laakiin waxaa barbaro goolal la’aan ah la galay Daniel Podence ka hor inta uusan Pedro Neto dhalinin daqiiqadii 95aad.

Guuldaradan ayaa timid kadib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaadhay Everton todobaadkii hore, taas oo ka dhigaysa markii ugu horaysay ee 2020 ee ay Chelsea guuldaro la kulanto laba kulan oo Premier League ah oo xiriir ah.

Tababaraha Chelsea Lampard ayaa faallo ka bixiyay sida ciyaartoydiisa ay qasab ku tahay inay ka fekeraan sida ay u maareeyeen hoggaanka isla markaana u seegay fursad ay hoggaanka ugu qaban lahaayeen Premier League.

Ciyaartoydu waxay u baahan yihiin inay ka fekeraan kulankaan inta ay nasanayaan, ”ayuu yiri. “Ka fikir caawa, ka fikir Everton. Tani waa Premier League. Haddii aadan si fiican u ciyaarin, waa lagaa badin doonaa.

Chelsea wax weeraro ah kalama kulmin kooxda Wolves ka hor inta uusan Podence barbareynin, iyadoo Lampard uu ku dhaleeceeyay ciyaartoydooda inay ogolaadeen weerar celis dhamaadka qeybtii labaad.

Wuxuu sii raaciyey: “Markii ay ahayd 1-0 waa inaan difaacanay guusha. Haddii aadan sifiican u ciyaarin, sifiican umaadan dheelin caawa, waa inaad ku dhagan tahay 1-0. Xakamee ciyaarta. Ha ogolaan weerar aargudasho ah. Laakiin waxaan ogolaanay weerar celis.”

Qaab ciyaareed fiican waa waxa ku siinaya natiijooyin. Waxaan si fiican u soo bandhignay waqti dheer laakiin wiilasha waxay u maleeyeen inaan sifiican u ciyaarnay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More