Man City ayaa xasuuqday West Brom

Kooxda Man City ayaa guuldaro niyad jab leh kala kulantay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa bar-baro 1/1 ah xilli aan la sadaalin karin natiijooyinka Premier League

Labada koox ayaa si dhaqso leh u soo muuqday markii goolhayaha Man City Ederson uu fursad ka badbaadiyay West Brom ka hor inta uusan Gundogan hogaanka u dhiibin kooxda Pep Guardiola daqiiqadii 30aad.

Manchester City ayaa isku dayday inay dhameystirto, lakiin waxa ay ka soo baxday boos aan fiicneyn, iyadoo kubada u dirtay taageerayaasha martida. .

Intii lagu guda jiray qeybtii labaad ee ciyaarta Man City ayaa xoogaa jahwareerisay kooxda martida aheyd waxayna iska qasaariyeen fursadahooda iyadoo goolhayaha uu ka hor istaagay inay gool dhaliyaan markale, halka West Brom ay miciin biday weeraro rogaal celis ah.

Difaaca kooxda martida ah ayaa umuuqday mid kayar City waxayna kooxda Pep xal u wayday.

Pep ayaa helay Walker iyo Aguero daqiiqadii 75aad ee Mendy iyo Foden, waxaana xusid mudan in City ay u qalantay goolal intaas ka badan inta ay socotay.

Daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta Manchester City ayaa heshay fursado waa weyn oo ay goolal ku dhalin kartay laakiin ma aysan shaqeyn.

Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro kooxda Manchester City.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More