Man United Oo Ka Hadhaysa Baacsiga Ay Ugu Jirto Jarrad Branthwaite

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhayso xiisaha ay u qabto daafaca Everton ee Jarrad Branthwaite, iyadoo Everton la sheegay inaysan diyaar u ahayn inay hoos u dhigto qiimaha weyn ee ay ku doonayaan daafaca dhexe.

Branthwaite ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu yahay bartilmaameedka Man United ee suuqa xagaagan kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Si kastaba ha ahaatee, Everton ayaa la rumeysan yahay inay ku qiimeyso xiddiga reer England 80 milyan oo euro.

Man United ma aadi doonto 70 milyan waxana laga diiday dalab 45 milyan oo ay ka gudbisay xiddiga reer England.

Sida laga soo xigtay Liverpool Echo, madaxda Everton ayaa sii wada inay ku adkaystaan ​​​​in Branthwaite aanu iib ahayn ilaa “dalab qaali ah” u yimaado daafaca.

Wararka ayaa sheegaya in ay Everton qorshaynayso in ay daafaca haysato xilli ciyaareedka dambe taas oo keenaysa in ay Man United bartilmaameedyo kale u dhaqaaqdo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More