Everton vs Arsenal – Toffees oo ku jirta kaalinta labaad

Everton iyo Arsenal oo ay kala hogaaminayaan Carlo Ancelotti iyo Mikel Arteta ayaa caawa ku kulmaya garoonka Goodison Park marka ay labada koox gaaraan kulamo kala duwan.

Everton ayaa sii waday inay fadhiisato kulanka waxay gaari kartaa booska Shaxda 2 ee miiska halka Arsenal ay dooneyso seddex dhibcood oo ah doorka horyaalka.

Arsenal ayaa barbaro la gashay Southampton kulankii ugu dambeeyay, dabcan barbaro ma badali doonto xanaaqa taageerayaasha laakiin wuxuu dhameystiray afar kulan oo xiriir ah oo gurigiisa looga badiyay.

Aubameyang ayaa sidoo kale ciyaarta ku dhammeeyay 648 daqiiqo oo aanu gool ku dhalin garoonka Emirates.

Sikastaba, kooxda Everton ayaa kasoo kabatay dib udhacii ugu dambeeyay kadib markii ay guulo xiriir ah ka gaartay kooxaha Chelsea iyo Leicester City.

WARAR KA TIRSAN CIYAARTA LABADA KOOXOOD

Arsenal ayaa wali waayi doonta saxiixa cusub ee Thomas Partey, Gabriel Martinelli ayaan wali la heli karin halka Gabriel Magalhaes iyo Granit Xhaka ay ganaax ku maqnaan doonaan.

Nketiah ayaa ka horeeyay Lacazette markii ugu dambaysay laakiin waxay u badan tahay in Arteta uu xasuusan doono weerar yahanka reer France.

Everton ayaa wali waayi doonta daafaca bidix ee saamaynta badan Lucas Digne laakiin Seamus Coleman ayaa soo laabtay.

Toffees sidoo kale waxaa dhaawac kaga maqan Allan iyo James Rodriguez, taasoo la micno ah in Doucoure iyo Gomes lagu soo dari doono qadka dhexe.

Shaxda macquulka ah ee labada koox

Everton: Pickford; Holgate, Mina, Keane, Godfrey, Kenny; Iwobi, Gomes, Doucoure, Richarlison; Calvert-Lewin

Arsenal: Leno; Holding, Luiz, Tierney; Maitland-Niles, Elneny, Ceballos, Saka; Pepe, Lacazette, Aubameyang

MACLUUMAADKA KULANKA

Tartan: Premier League

Garoonka: Goodison Park

Waqtiga: 20:30 waqtiga Geeska Afrika

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More