Mareykanka oo Markab dagaal usoo diray Soomaaliya si ugu

Dowladda Mareykanka ayaa muujineysa go’aanka ay ku dhaqangelineyso amarka kasoo baxay madaxeynaha xilka kasii degaya Donald Trump ee ah in uu Soomaaliya kala baxayo Ciidamada ka jooga.

Trump ayaa si cad u sheegay in bartamaha Bisha Janaayo 2021 oo ah bilawga sanadka ah, kuna beegan 5-cishe kahor inta uusan xafiiska la wareegin Hogaamiyaha Dooran Joe Biden uu askartiisa ka saarayo Soomaaliya.

Saraakiil Militari gaar ahaan Ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in Markabkaan uu soo gaaray Biyaha Soomaaliya, keliya waxa uu sugayo ay tahay in uu bilaabo qorshaha lagu daad-gureynayo ciidanka Ameerikaanka oo tiro ahaan ku dhaw 1000-askari.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa dhaqangelineysa amarka Hogaamiyaha oo waxa ay qaadeysaa Ciidamada dalkaas ee Soomaaliya jooga, isla markaana caawiya askarta DFS & AMISOM.

Hogaamiye Trump ayaa u muuqda in uu dhaqangelinayo qorshaha la bixista askarta ka joogta Soomaaliya oo tan & bishii September 2020 uu ku howlanaa abaabulka uu ku rarayo Ciidamadaas.

Qubaro Ameerikaan ah ayaa dood ka dhigtay in saldhigga Ciidamada dalkaas ay ka baxayaan ay suuragal tahay in uu gacanta u galo Dowladaha Ruushka & Shiinaha oo xifaaltan dhanka Militariga ah uu ka dhaxeeyo.

Amnesty oo Mareykanka ka dalbatay in uu magdhaw ka bixyo dadka uu ku dilay Soomaaliya.

Isha:  VOA   / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More