Edson Alvarez Oo Ka Jawabay Xiisaha Man United

Edson Alvarez ayaa diiday inuu ka hadlo wararka xanta ah ee xiddiga khadka dhexe la xiriirinaya inuu xagaaga u dhaqaaqayo Manchester United.

Red Devils ayaa suuqa ugu jirta hal ama labo ciyaaryahan oo khadka dhexe ah xagaagan iyadoo Casemiro ay u badan tahay inuu ka tago ka dib xilli ciyaareedkii 2023/24 oo liitay iyo mustaqbalka Sofyan Amrabat ee kooxda oo aan la hubin.

Man United ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga kooxda West Ham Iyo xulka Mexico si ay ugu xoojiso Khadka dhexe.

Ka hor kulanka Mexico ee furitaanka Copa America ee ay la ciyaarayaan Jamaica, Alvarez ayaa shir jaraa’id ku yiri: “Hadhow waxaa jiri doona waqti lagu arko waxa jira iyo waxa aan jirin”.

“Waxaan kaliya kuu sheegi karaa in aan diirada saarayo waxa ay tahay in aan sameeyo, waan ogahay in Copa America uu yahay tartan aad muhiim u ah halkaas oo indhaha adduunku hayaan”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More