DEG-DEG: Sergio Aguero Oo Bilaash Kaga Tegaya

Xiddiga haysta rikoodhka goolasha Manchester City ee Sergio Aguero ayaa si bilaash ah kaga tegay Etihad Stadium xagaaga soo aaddan.

Manchester City ayaa xaqiijisay in gool-dhaliyaha reer Argentina ee Sergio Aguero uu ka tego doono kooxdaas dhamaadka xilli ciyaareedkan, marka uu dhamaado qandaraaskiisa Etihad Stadium.

32 jirkan oo Manchester City ay kasoo iibsatay Atletico Madrid sannadkii 2011kii ayaa soo afjaraya muddo toban sannadood ah oo uu ahaa xiddiga laga sugo goolasha City, iyadoo uu muddadaasna noqday ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kooxdan.

Sergio Aguero ayaa dhinaciisa shaaciyey in uu soo dhamaaday waayihiisii Manchester City, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Twitter-ka uu ku macasalaameeyey jamaahiirta garabkiisa taagnaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

“Marka uu wareeg soo dhamaado, waxa soo baxa laga yaabaa in dareenno soo baxaan. Waxa igu jira dareen weyn oo kalgacal iyo sharaf ah oo aan u qabo Manchester City tobankii sannadood ee aan u ciyaaray. Si aan caadi ahayn, ciyaartoyda xirfadlaha ah waxa ku timaadda maalintan oo kale, iyo da’da.” Ayuu Sergio Aguero ku yidhi qoraalka uu ku shaacinayay in uu soo dhamaaday waayihiisii Manchester City.

“Intaa kaddib, waxa ii bilaabmi doona loollan cusub, waxaanan si buuxda iskugu diyaarinayaa sidii aan u jaawihi lahaa anigoo leh samirkii iyo xirfaddii aan mar walba huri jiray ee ahayd inaan ahaado tartamaha ugu sarreeya.” Ayuu raaciyey.

Maxaa lagu xasuusan doonaa waayihii Sergio Aguero ee Manchester City?

10 sannadood oo uu u ciyaaray Manchester City, waxa uu saftay 384 ciyaarood, waxaanu muddadaas dhaliyey 257 gool. Waa ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kooxda, isagoo sannadkii 2017kii dhaafay Eric Brook oo muddo 78 sannadood haystay rikoodhka gool-dhalinta City.

Waxa uu soo qaatay waqtiyadii ugu xaasaasisanaa taariikhda kooxda iyo horyaalka Premier League intaba. Inta la xasuusan yahay, horyaalka kama dhicin xilli ciyaareed la mid ah sannadkii 2012kii oo maalintii ugu dambaysay horyaalka ay ku kala baxeen Manchester United oo ay isku dhibco noqdeen iyagoo waliba isku goolal ahaa. Laakiin Sergio Aguero ayaa gool uu ka dhaliyey QPR ciyaartii ugu dambaysay, waxay City ku qaadday horyaalka iyadoo farqiga goolasha kaga hor-martay United.

Waxa uu City kula guuleystay toban koob oo waaweyn.

Muxuu horyaalka Premier League ku xasuusanayaa Aguero?

Marka laga yimaaddo waqtiyada cajiibka ahaa ee soo maray, gaar ahaan 2012kii oo ahaa mid aan hore loo arag, Sergio Aguero waxa kale oo lagu xasuusan doonaa in uu yahay ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Premier League ee aan u dhalanin UK.

Halkee ayuu kusii jeedaa?

Laba kooxood ayaa ugu cadcad saxeexa Sergio Aguero, waxaana aad loola xidhiidhinayaa oo ay wararku sheegayaan in uu ka degi doono waddanka Spain oo uu ka mid noqon doono Barcelona, halka PSG ay tahay kooxda labaad ee iyaduna soo raacda Barca ee lala xidhiidhinayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More