DEG DEG: Dal Tirada Dadkiisa Ay Ka Yar Yihiin

Jasiirada aadka u yar ee Comoros Islands ayaa u soo baxday Koobka Qaramada Afrika markii ugu horeysay abid ka dib markii ay barbaro goolal la’aan ah maanta ku qabteen xulka Togo, iyagoo sii wata rikoodhkooda guuldarro la’aanta.

Natiijadaan ayaa keentay in Comoros ay sagaal dhibcood ka heysato shan kulan ay ciyaareen taasoo u xaqiijineysa inay ku dhameysan doonaan labada kaalimood ee ugu sareysa Group G.

Waxay ka sarre mareen xulka Masar kuwaasoo leh sideed dhicbood kuwaasoo caawa magaalada Nairobi kula ciyaaraya xulka Kenya.

Inkastoo labo kulan ay uga harsan tahay wareega group-yada islamarkaana Kenya ay heli karto sagaal dhibcood hadana Comoros ayaa kulamada fool ka foolka ah ka fiican Kenya taasoo ka dhigeysa inay iyagu sagaal dhibcood ku soo baxayaan.

Togo iyadu waa ay ka hartay koobka iyagoo kulankii maanta soo safay ciyaartoy aan ka dheelin Yurub.

Jasiirada ku taala badweynta Hindiya waxaa ku nool dad ka yar 900 kun, waana tiro aad uga yar dadka ku nool Muqdisho ama caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa xusid mudan inay bilaabeen ka qeybgalka tartamada caalamiga ah sannadkii 2006 laakiin waxay noqdeen kuwa awood leh madaama ay u ciyaarayaan qurbo joogtooda ku nool dalka Faransiiska.

Guushii 1-0 ee ay ka gaareen Togo bishii November 2019 ayaa aheyd guushoodii ugu horeysay ee abid ee kulan ay marti yihiin, waxay afar maalmood ka dib gurigooda barbaro kula galeen Masar.

Jasiirada Comoros waa wadankii sideedaad ee u soo baxa Koobka Qaramada Afrika ee lagu qabanayo Cameron bisha Janaayo ee soo socota.

Waxay ku biirayaan xulka martigeliyayaasha, Algeria, Burkina Faso, Guinea, Mali, Senegal iyo Tunisia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More