DEG-DEG: Ciyaartoy Lala Xidhiidhinayo Man United Oo La Xaqiijiyay In Uu….

Madaxa suuqa kala iibsiga ee Bologna Giovanni Sartori ayaa qirtay inay “99.9 boqolkiiba” u badan tahay in bartilmaameedka Man-Utd Joshua Zirkzee uu ka tagi doono kooxda xagaagan.

Zirkzee ayaa qandaraaskiisa Bologna lagu burburin karaa 40 milyan oo euro sidaas darteed kooxda reer Talyaani awood uma lahan in ay joojiso bixitaanka xiddiga.

Milan iyo Man Utd ayaa ku dagaalamaya saxiixa weeraryahanka reer Holland, Sartori ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in Bologna ay sii haysato ciyaaryahanka xilli ciyaareedka soo socda.

“Waxa heshiiskiisa ku jira lacag lagu bur-burin karo sidaas darted 99.9% wuu bixi doonaa”ayuu Sartori yidhi.

Milan ayaa weli ah kooxda ugu cadcad saxiixa Zirkzee xagaagan.

Zirkzee ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Milan, iyadoo Rossoneri ay ogolaatay inay bixiso 40 milyan oo euro oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More