DEG DEG: Barcelona Oo Bathroom Magacaabay Kooxdii Ugu

Barcelon ayaa noqotay kooxda ugu fiican dunida qarnigaan 21aad sida ay sheegtay xiriirka caalimga ee kubada cagta, taariikhda iyo istaatistikada ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano IFFHS.

Blaugrana ayaa loo aqoonsaday inay tahay kooxdii ugu fiicneyd 10kii sannadood ee ugu danbeeyay ee 2011 ilaa 2020.

Madaama ay Barcelona sidoo kale noqotay kooxdii ugu fiicneyd ee 2001 ilaa 2010, waxay taasi keentay in loo aqoonsado kooxda ugu fiican qarnigaan 21aad.

Tobankii sannadood ee ugu danbeeyay Barcelona waxay gaartay guulo waa weyn, waxay ku guuleysteen labo Club World Cup, labo Champions League, lix La Liga laakiin koobabka kaliya ma ahan waxa lagu qiimeeyo kooxaha ee ay adeegsato IFFHS.

Waxay sidoo kale ku qiimeeyaan kooxaha tirada kulamada ay badiyeen, goolasha ay dhaliyeen iyo goolasha laga dhaliyay oo iyagana muhiim ah.

Barcelona ayaa kaalinta 1aad ku gashay 2,877 dhibcood waxaa kaalinta labaad soo gashay Real Madrid oo 95 dhibcood ka danbeysa (2,782 dhibcood) halka Bayern Munich ay soo gashay kaalinta seddexaad (2,594.5).

Kaalinta afaraad waxaa ku jirta kooxda Paris Saint-Germain halka kaalinta shanaad ay buuxisay Atletico Madrid. Marka si kale loo dhigo seddex kooxood oo Isbaanish ah ayaa buuxiyay shanta kaalimood ee ugu sareysa iyadoo kooxaha Premier League aan lagu arag kaalimaha hore.

Kooxda reer Brazil ee Gremio Porto Alegrense ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee aan Yurub aheyn ee ka soo muuqata qiimeynta iyagoo soo galay kaalinta 14aad.

Codeynta sannad walba marka la eego Barcelona waxaa loo codeeyay inay tahay kooxda sannadka sanadihii 2011, 2012 iyo 2015 halka Real Madrid loo codeeyay 2016 iyo 2017 iyadoo Bayern Munich loo codeeyay 2013 iyo 2020.

Ma u qalantaa Barcelona in loo magacaabo kooxda qarniga?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More