Cristiano OUT! Belgium Oo Reebay Xulkii Difaacanayay Koobka Euro Ee

Xulka qaranka Belgium ayaa u gudbay wareegga siddeedda tartanka Euro iyagoo hal gool oo madi ah u reebay Portugal oo ay wareegga 16ka ku kulmeen.

Ciyaar kulmisay xiddigaha waaweyn ee kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo, Romelu Lukaku, Kevin de Bruyne, Eden Hazard, Bruno Fernandes iyo Joao Felix ayay si adag ugu xafiiltameen labada waddan ee Portugal iyo Belgium, waxaana 1-0 ay guushu ku raacday Belgium oo gool qurux badan uu dhamaadka qaybta hore u dhaliyey Thorgan Hazard.

Portugal iyo Belgium ayaa helay fursado badan labadii qaybood ee ciyaarta, waxayse awoodi waayeen in ay natiijada ay goolal u beddelaan.

Belgium ayaa qaybtii hore awood ku muquunisay khadka dhexe, kubad hayntana ku sarraysay, waxaana fursado ay lumiyeen kaddib ay heleen goolka daqiiqaddii 42aad ee dhamaadka qaybta hore, markaas oo Thorgan Hazard uu kubadda ka toogtay bannaanka, isla markaana ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Rui Patricio.

Portugal ayaa seefta galka ka saaray qaybtii dambe iyagoo ka faa’iidaysanayay dhaawac uu ciyaarta kaga baxay Kevin de Bruyne oo wiiqay awoodda Belgium, waxaana sida uu doono dhexda ka yeelay Sanchez oo kubadda la dhex ordayay ciyaartoyga Belgium.

Ruben Dias ayaa dhamaadkii ciyaarta kubbad halis ahayd ku qabtay madax, waxaase ka qabtay Thibaut Courtois.

Joao Felix oo beddel kusoo galay, Cristiano Ronaldo, Bruno Fernandes iyo Andre Silva ayaa dhamaantood helay fursado ay goolal ku dhalin karayeen, waxaase halgan la galay Courtois iyo difaacyahannada Belgium.

Ciyaarta oo ay xamaasaddeedu aad u sarraysay ayuu garsoore Felix Brych ka muujinayay taxadar dheeraad ah, isagoo aan kaadhadhka kula degdegin xilliyo ay isku dhaceen ciyaartoyada labada kooxood, inkasta oo uu Pepe u dhiibay kaadh uu ku aamusiiyey.

Xulka qaranka Belgium ayaa noqday waddankii afraad ee u gudbay wareegga siddeedda, waxanay la ciyaari doonaan Talyaaniga oo ay iyaguna soo reebay Austria.

Isku-dhaca Talyaaniga iyo Belgium ayaa abuuraya kulan kale oo adag, iyadoo labada kooxoodba ay yihiin kuwa loo saadaalinayo inay ku guuleysanayaan tartanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More