Chelsea Oo Lagu Garaacay Laacibkii Ay U Waalanaysay Ee Achraf Hakimi &

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagaga hormaray saxeexa difaaca midig ee reer Morocco ee Achraf Hakimi, kaas oo tababare Thomas Tuchel u ahaa bartilmaameedkiisa labaad ee xagaagan, waxaana kaliya ka horreeya Erling Haaland.

Tuchel ayaa doonaya inuu kooxdiisa kusoo kordhiyo dhawr ciyaartoy oo ay ugu horreeyaan Achraf Hakimi iyo Erling Haaland, si ay horyaalka Premier League ugu tartami karaan xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya, laakiin qorshihii tababaraha reer Germany ayay hadda jug soo gaadhay.

Chelsea ayaa laacibkan dul-dhigtay €50 milyan oo Euro, waxaana markiiba ay kala kulmeen diido degdeg ah oo kaga timid Inter Milan, waxaanay mar kale kordhiyeen lacagta oo ay gaadhsiiyeen €58 milyan oo Euro iyo difaaca reer Spain ee Marcos Alonso oo ay raacinayaan.

Inter Milan ayaa iyaduna dalbanaysay €80 milyan oo Euro oo lacag kaash ah, taas oo ka dhigan in farqi €20 milyan ku dhow uu u dhexeeyo labadan kooxood.

Si kastaba, Chelsea ayaa lagaga hormaray laacibkan, waxaana qarka u saaran inay heshiis la gaadho kooxda reer France ee PSG.

Paris Saint-Germain ayaa waxay Inter Milan u bandhigtay €70 milyan oo Euro oo kaash naqad ah iyo €10 milyan oo kale oo ay doonayso inay ku xidho bandhiggiisa iyo guulaha uu gaadho, sidaasna ay ku buuxiyo lacagtii Inter ku xidhay saxeexa laacibkan.

Wargeyska Les Parisien ee kasoo baxa magaalada Paris ayaa sheegay in PSG ay ku kalsoon tahay inay heshiis gaadhi doonaan Inter Milan oo uu iman doono Parc des Princes xagaagan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More