Chelsea Oo Gudbisay 25ka Ciyaartoy Ee Premier League Uga

Goolhayihii hore ee Arsenal iyo Blues ee Petr Cech ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Chelsea ee loo gudbiyey maamulka Premier League ee horyaalka Ingiriiska ka ciyaari doona fasal ciyaareedkan.

Petr Cech oo ay da’diisu tahay 38 jir ciyaarahana ka fadhiistay sannado ka hor ayaa dib ugu soo laabanaya garoomada, isaga oo waliba ah Lataliyaha Faramsada iyo bandhigga ee kooxda oo si weyn uga shaqeeya dhinaca iibka iyo wada-xaajoodyada ciyaartoyda lala soo saxeexanayo.

Frank Lampard ayaa Petr Cech ugu daray kooxdiisa si uu xal degdeg ah ugu noqdo dhibaatada ka jirta kooxda, gaar ahaan si uu booskaas u qabto haddii ay dhacaan waxyaabo lama filaan ah oo dibedda dhigi karaya Edouard Mendy iyo Kepa oo marka horeba qaladaadkiisa ay kooxdu khaati ka taagnayd.

Warbixin ay kooxdu soo saartay ayay ku tidhi: “Petr Cech waxa loogu soo daray kooxda si uu u noqdo goolhaye xal degdeg ah noqda haddii ay wax yimaaddaan. Tani waa tallaabo taxadar oo hordhac u ah xaaladaha hadda jira ee Covid-19 uu sabay. Waxa uu ugu jiri doonaa kooxda boos ah ciyaartoy aan qandaraas lagula jirin.”

Liiska xiddigaha Chelsea ayaa sidoo kale lagu soo daray saddexda goolhaye ee Edouard Mendy, Kepa Arrizabalaga iyo Willy Caballero, laakiin waxa la fahamsan yahay in doodda Chelsea ay tahay mid macquul ah oo ay dhici karaan in xanuunkani uu hal mar wada asiibo saddexda goolhaye, haddii ay taasi dhacdana lagu baxsan doono Petr Cech.

Kepa ayaa kulankii Chelsea ay xalay barbarraha la gashay Sevilla waxa uu kasoo garab muuqday Mendy waqtigii is-diyaarinta, isaga oo siinayay tababarro.

Halkan kaga bogo magacyada 25ka ciyaartoy ee Chelsea u gudbiyey Maamulka Premier League

NB: Ciyaaryahanadda ay hortooda taallo calaamadda (*) waxay yihiin kuwa u dhashay UK

Abraham, Tammy*Alonso Mendoza, MarcosArrizabalaga Revuelta, KepaAzpilicueta Tanco, CesarCaballero Lazcano, Wilfredo DanielCech, PetrChilwell, Benjamin James*Christensen, Andreas Bodtker*Emiliano Da Silva, ThiagoGiroud, OlivierJorge Luiz, Frello FilhoKante, NgoloKovacic, MateoMendy, Edouard OsoquePalmieri Dos Santos, EmersonPulisic, Christian MateRudiger, AntonioTomori, Fikayo*Werner, TimoZiyech, HakimZouma, Kurt Happy

Ciyaaryahanadda da’da yar ee u dhashay UK ee ay da’doodu ka hoosayso sida Reece James iyo Callum Hudson-Odoi waxa lagu daray liiska ciyaartoyda kooxda da’yarta ee U21, waxayna la ciyaari doonaan kooxda koowaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More