Carlo Ancelotti Oo Go’aamiyay SADDEXLEYDA Weerar Ee Uu Real Madrid Ku

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aamiyay saddexleyda weerar ee uu doonayo inuu kusoo dagaal galayo xilli ciyaareedka cusub ee 2020-21.

Wakhtigiisii koowaad ee Madrid ayuu Ancelotti ahaa mid kusoo faa’iday saddexleydii caanka ahayd ee BBC oo kala ahaa Karim Benzema, Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo isaga oo kula soo guuleystay Champions League sanadkii 2014.

Sida uu sheegayo wargeyska AS, tababare Ancelotti ayaa kaliya booska uu baneeyay Ronaldo ku bedeli doona Eden Hazard isaga oo Benzema iyo Bale kusoo lamaanaysiin doona.

Xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ee Real Madrid ayuu Gareth Bale kusoo qaatay sanadkii koowaad ee Ancelotti oo uu 22 gool soo dhaliyay, Bale ayaa 92 kulan kasoo hoos ciyaaray tababare Ancelotti isaga oo 39 gool iyo 22 caawimo soo sameeyay.

Dhinaca kale Hazard ayaa ah mid ka kiis duwan Bale marka ay noqoto macalinka ree Talyaani maadaama oo aysan abid hore usoo wada shaqayn, 30 sano jirkaas ayaa 33 kulan oo uu Los Blancos metelay shan gool iyo lix caawimo ugu soo sameeyay laba sano.

Walow uu ka shaqaynayo sidii uu qaabkoogii ugu fiicnaa ugu soo celin lahaa Bale iyo Hazard, tababaraha Talyaaniga ah ayaa helaya Benzema oo qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa waayihiisa ku jira.

Benzema oo dhawaan dib loogu wacay xulka France oo uu shan sano ka maqnaa ayaa saddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay soo dhaliyay 30, 27 iyo 30 gool.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More