Cancelo Oo Sharaxay Sababta Uu U Doonayo In Uu Sii Joogo Barcelona.

Joao Cancelo ayaa mar kale ku celiyay inuu aad u doonayo inuu sii joogo Barcelona ka dib markii uu dhamaaday heshiiskii amaahda ahaa ee uu ku joogay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa fure u ahaa Pep Guardiola ee Manchester City ka hor inta uusan si lama filaan ah isugu dhicin tababaraha taasoo keentay inuu ka tago Etihad Stadium, oo uu amaah ku qaatay Bayern Munich ka hor inta uuna amaah kale ugu biirin Barcelona.

Si kasta ha ahaatee Barcelona ayaan haysan lacag badan heshiis toos ah oo uu ugu biirana way adagtahay maadama uu Cancelo wali kooxda kula jiro heshiis 3 sano ah.

Cancelo oo haatan matalaya xulka Portugal Euro 2024 ayaa qirtay in uu doonayo in uu sii joogo Bacelona.

Wuxuu yiri: “Rajadeydu waa inaan sii joogo Barcelona, ​​aad ayaan ugu faraxsanahay halkaas, sidoo kale qoyskeyga”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More