Arsenal Oo Loo Sheegay In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig U Ciyaara Man United.

Arsenal ayaa loogu baaqay in ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Casemiro hadii uu Thomas Partey ka tago kooxda xagaagan.

Gunners ayaa u furan inay iska iibiso Partey inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana la soo xiriiray kooxo badan oo reer Yurub ah.

Casemiro ayaa ku riyaaqay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Man United kadib markii uu ka tagay Real Madrid Laakiin waxa uu ku dhibaatooday qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkiisii 2-aad.

32-sano jirkaan, kaasoo shan koob oo Champions League ah ku qaaday Bernabeu, gaar ahaan wuxuu ku dhibtooday inuu daboolo daafaca dhexe, iyadoo halyeeyga Liverpool Jamie Carragher uu sheegay inuu soo dhamaaday wakhtigiisii heerka sare.

Laakiin Gilberto waxa uu aaminsan yahay in Casemiro uu dhibaatooday sabab la xidhiidha qaab ciyaareedka Liita ee Man United isla markaas uu ku haboonaan doono Arsenal.

“Manchester United, waa inaan falanqeynnaa kooxda lafteeda, ee maaha inaan si gaar ah u falanqeyno ciyaartoyda sida Casemiro”ayuu u sheegay Bet365.

“Manchester United ma aysan soo bandhigin xilli ciyaareed wanaagsan ilaa dhamaadkii, waxa ay soo bandhigeen dhowr qaab ciyaareed oo wanaagsan laakiin waxa ay guud ahaan dhibaatoodeen xilli ciyaareedka”.

“Casemiro waxa uu ku haboon yahay Arsenal, aan sugno oo aragno waxa dhaca”ayuu sii raaciyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More