Alexis Sanchez Oo Si Lama Dilaan Ah Ugu Laabanaya Kooxda Uu Horay Ugu Soo Ciyaaray

Alexis Sanchez ayaa laga yaabaa in uu si cajiib ah ugu soo laabto mid ka mid ah kooxdiisii hore xagaagan.

Weeraryahanka ayaa ku riyaaqay xirfad cajiib ah, isagoo u soo ciyaaray kooxaha Barcelona, Arsenal iyo Inter Milan dhowrkii sano ee la soo dhaafay isagoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta adduunka.

Hadda waa 35 jir, umana sii yaraanayo xirfadiisa ciyaareed, laakiin waxa uu 33 kulan u saftay Inter Serie A xilli ciyaareedkii hore, isagoo afar gool u dhaliyay xilli uu qayb ka ahaa kooxda Simone Inzaghi.

Mustaqbalkiisa wixii ka dambeeya xagaagan ayaan wali kala cadeyn, iyadoo qandaraaskiisa Italy uu dhacayo xagaagan, labada dhinacna ay ku heshiiyeen inuusan cusbooneysiin heshiiskiisa, taasoo la micno ah inuu xor ugu biiro karo kooxdiisa xigtay.

Sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio, dhanka kale, ciyaaryahanka reer Chile ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto kooxdiisii hore ee Udinese, iyadoo weeraryahanka uu u soo ciyaaray kooxda intii u dhaxeysay 2006 iyo 2011 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Barcelona.

Sanchez waxa uu kooxdaas ku biiray isaga oo 17 sano jir ah isaga oo kaga Soo biiray kooxdii uu ka bilaabay xirfadiisa ciyaareed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More