AKHRISO: Kulamada U Hadhay Kooxaha Ku Dagaallamaya Kaalmaha Sare Ee

Iyadoo dareenka horyaalka Premier League uu ku foogan yahay sida uu noqonayo miiska  kala-sarraynta ee kaalmaha labaad illaa afraad maalinta ugu dambaysa, waxa si gaar ah isha loogu hayaa Liverpool oo ah kooxdii ay ahayd in ay horyaalka difaacato laakiin kasoo laad-laada kaalinta toddobaad.

Su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayaana waxay tahay, miyey kooxda horyaalka difaacanaysaa ka maqnaan doontaa afarta sare & tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe?

Jawaabta su’aashani waxa la sugayaa illaa maalinta ugu dambaysa horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan, sababtoo ah, daqiiqad kasta ayay isbeddeli karayaan kala-sarreynta kooxuhu.

Kaddib guushii ay Liverpool kasoo hoysay ciyaartii Arsenal ee toddobaadkii hore, Reds waxay soo gaabisay farqiga dhibcaha lagaga hayo kaalinta afraad oo noqotay saddex dhibcood, halka Chelsea ay laba dhibcood oo kaliya ka hooseeyaan, taas oo muujinaysa in Jurgen Klopp uu fursad u haysto in uu soo galo kaalinta afraad.

Inkasta oo Jurgen Klopp ay kooxdiisu ka niyad-jabsan tahay guul-darradii kasoo gaadhay Champions League ee ay Real Madrid ku garaacday, haddana waxa uu tababaraha reer Germany rumaysan yahay in guul ay Sabtida ka keenaan Aston Villa ay ciyaartoydiisa usoo celin karto niyadda.

Haddaba, waa sidee kulamada siddeedda ah ee u hadhsan kooxaha ku dagaallamaya kaalmaha sare ee horyaalka Premier League?

Halkan ka akhriso min kaalinta saddexaad illaa kaalinta saddexaad illaa siddeedaad:

Kulamada u hadhay Leicester City

April 10: West Ham  (Marti)

April 17: West Brom   (Minan)

April 24: Crystal Palace   (Minan)

May 1: Southampton  (Marti)

May 8: Newcastle   (Minan)

May 11: Man United  (Marti)

May 15: Chelsea  (Marti)

May 23: Tottenham   (Minan)

Kulamada u hadhay West Ham

April 10: Leicester   (Minan)

April 17: Newcastle  (Marti)

April 24: Chelsea   (Minan)

May 1: Burnley  (Marti)

May 8: Everton   (Minan)

May 11: Brighton  (Marti)

May 15: West Brom  (Marti)

May 23: Southampton   (Minan)

Kulamada u hadhay Chelsea 

April 10: Crystal Palace  (Marti)

April 17: Brighton   (Minan)

April 24: West Ham  (Marti)

May 1: Fulham   (Minan)

May 8: Man City  (Marti)

May 12: Arsenal   (Minan)

May 15: Leicester City   (Minan)

May 23: Aston Villa  (Marti)

Kulamada u hadhay Tottenham

April 11: Man United   (Minan)

April 16: Everton  (Marti)

April 21: Southampton   (Minan)

May 1: Sheffield United   (Minan)

May 8: Leeds  (Marti)

May 12: Wolves   (Minan)

May 15: Aston Villa   (Minan)

May 23: Leicester City  (Marti)

Kulamada u hadhay Liverpool 

Apr 10: Aston Villa   (Minan)

April 17: Leeds  (Marti)

Apr 24: Newcastle   (Minan)

May 1: Man United  (Marti)

May 8: Southampton   (Minan)

May 11: West Brom  (Marti)

May 15: Burnley  (Marti)

May 23: Crystal Palace   (Minan)

Kulamada u hadhayEverton

April 10: Brighton  (Marti)

April 17: Tottenham   (Minan)

April 24: Arsenal  (Marti)

May 1: Aston Villa   (Minan)

May 8: West Ham  (Marti)

May 11: Sheffield United   (Minan)

May 15: Wolves   (Minan)

May 23: Man City  (Marti)

 

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More