Adama Traore Oo U Deyriyay Liverpool & Barcelona, Paulo

Aroornimo wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, shabakada laacib waxay saaka idiin soo gudbineysaa wararkii ugu waa weynaa ee saaka lagu qoray wargeysyada ka soo baxa dalka Ingariiska kuwaasoo ugu magaca weyn.

Xuquuqda wararkaan waxaa iska leh wargeysyada uu magacooda ku hor qoran yahay.

Madaxa Borussia Dortmund ayaa rajo cusub ku abuuray kooxda Manchester United oo muddo dheer dooneysay xiddiga garabka ka ciyaara ee Ingariiska Jadon Sancho oo 20 sanno jir ah ka dib markii uu sheegay in ciyaaryahanka uusan aheyn mid aan la iibin karin. (Daily Star)

Man United ayaa sidoo kale bartilmaameedsaneysa saxiixa 16 jirka kooxda Sporting Lisbon oo lagu magacaabo Luis Gomes. Xiddiga khadka dhexe ee Portugal ayaa waxaa dalkiisa looga yaqanaa Luis Figo-ha cusub. (Daily Mirror)

Qaabka cajiibka leh ee uu James Rodriguez kula qabsay nolosha Premier League isagoo wacdarro u dhigaya Everton ayaa waxaa ka xumaaday kooxdiisa hore ee Real Madrid kuwaasoo filayay inuu ku fashilmayo horyaalka Ingariiska. (Daily Mirror)

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Wolves Adama Traore oo 24 sanno jir ah ayaa ku dhow inuu iska diido xiisaha Barcelona iyo Liverpool si uu u saxiixo qandaraas cusub oo uu isbuucii ka qaadanayo kooxda Wolves 100 kun ginni. Weeraryahanka reer Spain ayaa Wolves kaga soo biiray kooxda Middlesbrough sannadkii 2018. (The Sun)

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in kooxda ay qasab ku tahay inay la soo saxiixato daafac dhexe oo cusub ka dib markii Virgil van Dijk oo 29 sanno jir ah uu dhaawacmay kulankii ay la ciyaareen Everton. (Daily Mail)

Wayne Rooney oo tababare iyo ciyaaryahan ka ah kooxda heerka labaad ee Derby County ayaa sugaya natiijada baarista Korona Fayras maanta oo Isniin ah ka dib markii uu ogaaday in saaxiib ka iibiyay saacad uu qabo cudurka Korona Fayras. (Daily Telegraph)

Weeraryahanka Argentina Paulo Dybala oo 26 sanno jir ah ayaa waxa ay isku dhaceen madaxa kubada cagta Juventus Fabio Paratici intii ay u socdeen qolka labiksa ka dib markii laga saaray shaxda kooxda kulankii Sabtidii. (Daily Mail)

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Faransiiska Allan Saint-Maximin oo 23 sanno jir ah ayaa noqday mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan Newcastle markii uu saxiixay qandaraas cusub oo lix sannadood ah, mushaharkiisa waxa uu ku dhow yahay labo jibaarka mushaharkiisa hore oo ah 70 kun ginni. (Newcastle Chronicle)

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Liverpool Harvey Elliot oo 17 sanno jir ah ayaa baaris ku sameeyay ciyaartoyda Blackburn ka hor inta uusan ogolaanin inuu heshiis amaah ah ugu wareego kooxda heerka labaad.

Kooxaha heerka hoose ee Ingariiska ayaa ku hanjabaya inaysan bixin doonin canshuurta sannadkan iyagoo ku qasbaya in dowlada ay dhaqaale ahaan caawiso madaama ay burbur qarka u saaran yihiin sababo la xiriira Korona Fayras. (The Sun)

Gareth Bale ayaa ahaa ciyaaryahanka kaliya ee Real Madrid ee diiday inuu dhimo mushaharkiisa madaama Korona Fayras uu dhaqaale xumo abuuray iyadoo ciyaartoyda kale ay aqbaleen mushahar dhimis boqolkiiba 10 ah. (Daily Star)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More