Axmed Madoobe: “Farmaajo wuxuu rabaa inuu Soomaaliya ku tuuro bohol dheer”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si toos ah uga horyimid muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Farmaajo. Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay xaalada kala guurka ah ee uu dalku marayo, shirkii doorashada, qorshihii madaxweynaha, go’aanka golaha shacabka iyo xogta uu ka haayo marxaladihii waqtiga kordhinta. Hogaamiyaha xilka…

Xundubey”Soo Qabashadda Saadaq Joon Qorshaha Uguma jirto Dawladda”

Xasan Xundubey Jimcaale, wasiirka amniga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xalay goor dambe la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay xiisada maalmahan ka taagneyd qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ku aadan xariga taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan. (Saadaq Joon). Xundubay wuxuu tilmaamay in maalmo ka hor, markii uu Taliye Saadaq Xilka looga qaaday masuuliyada daro uu sameyey xilka, wuxuu yidhi wuxuu joojiyay kalfadhigii baarlamaanka 12-kii Abriil 2021 kadib markii loolan dheer uu la…

Soomaaliya dab ayey mar kale ku ciyaareysaa (Iskala mid ahaanshaha 1977 iyo 2021) –

Inta Aan ka Hadal Soomaaliya ka hor, waxaaynu dulmareynaa dhacdooyinka dalalka gobalka; Bal u fiirso xaalada Yemen oo ay ku dagaalamayaan quwado shisheeye, oo ay horboodayaan muwaadiniin Yemeniyiin ah, sabab kasta ha noqotee. Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa iska kaashanaya la dagaalanka Iiraan ee Yemen. In la burburiyo dal aan kooda ahayn, ubadkoodana aan wax loo dhimayn. Fiiri waxa ka socda Liibiya, maadaama aan wadaagno qaarad isla markaana xiriir la soo yeelanay Soomaalida horay. Ma tirin…

Dr.Baadiyoow M.Farmaajow ku soco wadada saxda ah

Dr. C / raxmaan C / laahi Baadiyow, ayaa ku booriyay dhamaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha isa soo taraya ee saacadihii la soo dhaafay ka taagnaa Magaalada Muqdisho inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal. "Dagaal ha dhaco halaga joogo! Dagaal ha dhaco halga joogo! Nabadi ha idinla jirto iyadda naas la nuugo leh." Ayuu ku yidhi qoraal kooban oo uu ku daabacay bartiisa Facebook. Dr. C / raxmaan, wuxuu rumeysan yahay in sida kaliya ee ay Soomaaliya dowlad ku noqon karto oo ay ku yareyn karto…

Erdogan ka dhiidhiyey Draghi oo uu ku tilmaamay”kaligii taliye”

Arbacadii, Hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa canbaareeyay raiisul wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi oo uu ku tilmaamay "kaligii taliye" oo uu sheegay in hadaladaas ay ahaayeen kuwo edeb daro ah. Toddobaadkii hore, Draghi wuxuu dhaleeceeyay aragtida Erdogan ee ku aaddan labada hoggaamiye ee ugu wanaagsan EU, markii Hogaamiyaha Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ay weyday kursigeedii. Erdogan iyo Hogaamiyaha Golaha Yurub Charles Michel waxay fadhiisteen laba kursi. Saraakiisha Turkiga ayaa beeniyay…

Dawladda federaalku “way diidday” Baaqii Beesha caalamka

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijisay go'aankeeda ah in waqtiga loo kordhiyo hay’adaha dowladda waxayna diiday baaqyada uga imanaya beesha caalamka iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ee ah inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka si loo xaliyo ismari waaga siyaasadeed. Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda oo u muuqday mid jawaab u ah baaqyadii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ee horumarinta, ayaa…

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wada jir ah u diiday muddo kordhinta

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wada jir ah walaac uga muujiyay go’aanka lagu kordhiyay waqtiga Farmaajo isla markaana lagu sifeeyay mid u horseedaya xasilooni daro iyo amni daro dalka ka dhacda. Hogaamiyaasha Soomaalida waxay ugu baaqeen inay dib ugu laabtaan wada hadalada si xal loogu helo khilaafka doorashada isla markaana loo gaaro heshiis salka ku haya heshiiskii September 17, 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho. "Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay dib u dhigaan, sii wadaan wadahadalka ayna ka…

Dhimashada Covid-19 adduunka oo dhan ayaa sii kordheysa

Kiisaska dhimashada, bogsashadda dadka iyo kuwa qaadey coronavirus ayaa kor u kacay adduunka toddobaadyadii la soo dhaafay ka dib markii dalal badan ay soo sheegeen kiisas cusub. Kiiska guud ee Covid-19 guud ahaan waxaay gaadhay 138,057,338 (Boqol, soddon iyo siddeed milyan, konton iyo toddoba kun, saddex boqol, iyo siddeed iyo soddon), halka tirada dhimashadu gaadhay 2,972,992 (Laba Milyan, Sagaal Boqol, Todobaatan & Laba Kun, Sagaal Boqol, Sagaashan & Laba Ruux), halkaasoo ay ka bogsadeen 111,087,366 (Boqol,…

MW Farmaajo awood sharci ma u leeyahay inuu Saadiq xayuubiyo darajadda?

Hogaamiyaha xilka ka sii degaya ee Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Sareeye Guuto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) darajadiisa ciidan, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda. Hogaamiye Farmaajo ayaa sidoo kale Saadiq Cumar ka xayuubiyey dhammaan xuquuqdii uu ku lahaa ciidamada amniga Soomaaliya. Xil ka qaadista iyo duudsiinta xuquuqda ayaa timid kadib markii Jeneraal Saadaq John uu shaaca ka qaaday inuu dib u dhigay kulan loo balansanaa…

Goorma ayuu Mareykanku ciidamadiisa kala baxayaa Afghanistan

Hogaamiyaha Mareykanka Joe Biden ayaa lafilayaa inuu ku dhawaaqo waqtiga la badalayo ciidamada ka baxaya Afghanistan, qorshuhu wuxuu ahaa inuu ka baxo dalkiisa bisha May 2021, laakiin saraakiisha qaar ayaa waqtigaas sheegay in aysan geedigooda suurto gal aheyn. Ilo wareedyo ku dhow dhow Joe Biden ayaa warbaahinta u sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay dhici doonto bisha Sebtember 11, 2021, waqtigaan oo Mareykanka lagu beegay dabaaldeggii Daarihii Mataanaha ee New York iyo Washington ee horseeday duulaanka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More