Tuuryare: “Weerarka aniga la igu soo qaaday wuxuu ahaa isku day dil”

Gene. C / raxmaan Maxamuud Tuuryare, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa muuqaal uu soo duubay wuxuu ku faah faahiyay weerarkii lagu qaaday gaarigiisa, xilli uu marayay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Tuuryare ayaa tilmaamay in askarta goobta toogashada ka dhaceysay ay garanayeen gaarigiisa oo ugu yaraan maalintii sadex jeer dhaafey, laakiin wuxuu sheegay inuu aqoonsaday saraakiil qaar oo goobta ku sugnaa xiligii uu weerarka dhacayey. Taliyihii hore ee NISA ayaa ka qoomamey…

Xukumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay qabteen lacag sharci daro ah

Ciidamada Booliska ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa qabtay lacag ka timid diyaarad laga leeyahay dalka Kenya, sida uu sheegay taliyaha booliska Soomaaliya. Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Hijar ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay hada wadaan baaritaano ku aadan lacagtaasi iyo halka ay ku baxeyso “Saaka abaare 09:00 AM, ayaa Ciidanka Saldhiga Boliiska Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ay gacanta ku soo dhigeen cadad lacag ah oo Dollar ah, taas oo ay…

Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa howlgal wadajir ah ka wada magaalada Gaalkacyo

Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa howlgal wadajir ah ka sameeyay magaalada Gaalkacyo. waa magaalo xarumeedka gobolka Mudug. Booliisku waxay tan u sameeyaan si loo sugo amniga, loola dagaallamo mukhaadaraadka iyo kooxaha habeenkii dhaca. Koonfurta Gaalkacayo waxaa maamusha dowlad goboleedka Galmudug halka maamul goboleedka Puntland laga maamulo waqooyiga, waxaana jira heshiis u dhexeeya wasaaradaha amniga ee labada dowladood oo ah iskaashi. Taliye ku xigeenada qeybta booliska gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland…

Farmaajo iyo Shirkii Beesha Caalamka oo Fashilmay

Kulan Sabtidii magaalada Muqdisho ku dhexmaray wakiilada beesha caalamka iyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan kadib markii dhinacyadu isku afgaran waayeen qodobadii laga wada hadlay. Sida Axadle uu ogaaday, danjirayaasha Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub waxay si gaar ah ula wadaageen fariimaha madaxweyne Farmaajo dowladahooda - haddii hogaamiyayaasha federaalka ay isku dayaan inay waqtiga kororsadaan, waxay iska indha tirayaan…

Saraakiil ciidan oo ku dhaawacmay qaraxa

Laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay markii gaarigii ay la socdeen ay miino kula kacday inta u dhexeysa magaalada Balcad iyo deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeellada Dhexe. Saraakiishan ayaa la socday gaari Cabdi Bilaha ah oo ay adeegsanayeen ciidamada, waxaana soo gaaray dhaawac fudud sida ay sheegeen saraakiisha militariga Soomaaliya. Ilo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa Axadle u sheegay in saraakiisha la dhaawacay lagu kala magacaabi jiray Yaasiin Cabdi Tooxow iyo Nuur Dheere…

Muddo kordhinta Hogaanka DF oo Barlamanka Puntland diiday

Baarlamaanka Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay qaadaceen muddo kordhinta baarlamaanka federaalka dood dheer kadib. Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in 49 mudane ay kasoo horjeesteen mudo kordhinta dowlada federaalka, 1 uu ogolaaday 2 kalena ay ka aamuseen. Hogaamiyaha Puntland Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta ku kulmay xarunta golaha wakiilada Puntland. Kulanka Hogaamiyaha Deni iyo Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu yahay mid kooban oo looga…

Wakiilada Beesha Caalamka iyo Hogaamiyaha Farmaajo oo Kulmay

Hogaamiyaha waqtigiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno ka socda beesha caalamka ayaa kulan gaar ah ku leh magaalada Muqdisho. Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa yimid kadib wada hadalo toos ah oo ay yeesheen qaar kamid ah ergada shirka ka qeyb galeysa iyo Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlay xiisada siyaasadeed Beesha Caalamka ayaa si weyn uga soo horjeesatay go’aankii Hogaamiyaha ee Baarlamaanku 12kii Abriil 2021 ee uu ku joojiyey wadahadallada ku saleysnaa…

Axmed Madoobe: “Farmaajo wuxuu rabaa inuu Soomaaliya ku tuuro bohol dheer”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa si toos ah uga horyimid muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Farmaajo. Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa jeediyay khudbad uu kaga warbixiyay xaalada kala guurka ah ee uu dalku marayo, shirkii doorashada, qorshihii madaxweynaha, go’aanka golaha shacabka iyo xogta uu ka haayo marxaladihii waqtiga kordhinta. Hogaamiyaha xilka…

Xundubey”Soo Qabashadda Saadaq Joon Qorshaha Uguma jirto Dawladda”

Xasan Xundubey Jimcaale, wasiirka amniga ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo xalay goor dambe la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ka hadlay xiisada maalmahan ka taagneyd qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo ku aadan xariga taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan. (Saadaq Joon). Xundubay wuxuu tilmaamay in maalmo ka hor, markii uu Taliye Saadaq Xilka looga qaaday masuuliyada daro uu sameyey xilka, wuxuu yidhi wuxuu joojiyay kalfadhigii baarlamaanka 12-kii Abriil 2021 kadib markii loolan dheer uu la…

Soomaaliya dab ayey mar kale ku ciyaareysaa (Iskala mid ahaanshaha 1977 iyo 2021) –

Inta Aan ka Hadal Soomaaliya ka hor, waxaaynu dulmareynaa dhacdooyinka dalalka gobalka; Bal u fiirso xaalada Yemen oo ay ku dagaalamayaan quwado shisheeye, oo ay horboodayaan muwaadiniin Yemeniyiin ah, sabab kasta ha noqotee. Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa iska kaashanaya la dagaalanka Iiraan ee Yemen. In la burburiyo dal aan kooda ahayn, ubadkoodana aan wax loo dhimayn. Fiiri waxa ka socda Liibiya, maadaama aan wadaagno qaarad isla markaana xiriir la soo yeelanay Soomaalida horay. Ma tirin…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More