Muddo kordhinta Hogaanka DF oo Barlamanka Puntland diiday
Baarlamaanka Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay qaadaceen muddo kordhinta baarlamaanka federaalka dood dheer kadib.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in 49 mudane ay kasoo horjeesteen mudo kordhinta dowlada federaalka, 1 uu ogolaaday 2 kalena ay ka aamuseen.
Hogaamiyaha Puntland Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta ku kulmay xarunta golaha wakiilada Puntland.
Kulanka Hogaamiyaha Deni iyo Baarlamaanka ayaa la sheegay inuu yahay mid kooban oo looga hadlayo xaalada guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka.
16-kii Abriil, 2021, Mudanayaashu waxay ku dhawaaqeen in laba sano loogu kordhiyay hay’adaha dowladda federaalka ah, taasoo ay si wada jir ah u diideen aqalka sare, mucaaradka iyo beesha caalamka.
Go’aanka kasoo baxay Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo aadayo xilli Maanta Beesha Caalamka ay Xalana uga wacday madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isla markaasna lagu wargeliyey go’aanka ugu dambeeyo ee beesha Caalamka oo ah in dalka ka dhacdo doorasho lana aqbali doonin muddo kordhin haddii ay taas dhacdana la saari doono cuna-qabateyn aan weli nooceeda si rasmi ah loo ogaana.