Iran oo ku eedeysay Israel weerarkii Natanz waxayna wacad ku martay aargudasho

Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran Mohammad Javad Zarif ayaa balan qaaday inuu ka aargudan doono Israil weerarkii ay ku qaaday xarunta Nukliyeerka Iran ee Natanz, laakiin wuxuu sheegay inaysan hakin doonin wadahadalada heerka sare si loo soo celiyo heshiiskii Nukliyeerka ee dalku la galay Mareykanka. Kulan gaar ah oo uu la yeeshay xildhibaannada Isniinta, Zarif waxa uu tilmaamay in saraakiisha sarsare ee Israa’iil ay caddeeyeen inay raadin doonaan ka hortagga dadaallada dhinacyada badan leh ee dib loogu soo celinayo Qorshaha…

Ururka Musharaxiinta: “Beesha Caalamka waa inay la hadasho Farmaajo

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Midowga Musharaxiinta Hogaamiyaha oo ka kooban Hogaamiyaha Midowga Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa looga hadlay arrimaha doorashada, hadalkii Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, xil ka qaadistii lagu sameeyay. Jen. Saadaq Joon & qodobo kale, wuxuuna ka digay in xaalada dalka ay tahay mid qatar ah. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay madaxweynaha waqtigiisa…

Midowga Musharaxiinta “Beesha Caalamka waa inay soo qabataa Farmaajo

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Hogaamiyaha Golaha Musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa looga hadlay doorashada, hadalkii Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, xil ka qaadistii Jeneraal. Saadaq Joon & qodobo kale, wuxuuna ka digay in xaalada dalka ay tahay mid qatar ah. Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C / llaahi Farmaajo inuu yahay nin iska…

Xijar oo xilka ka qaaday taliyihii booliska gobolka Banaadir

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijar ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq Cumar Xasan (John). Xil ka qaadistan ayaa timid saacado kadib markii Saadaq Cumar uu warbaahinta u sheegay in booliska gobolka banaadir ay joojiyeen kalfadhigii baarlamaanka si looga wada hadlo arimaha doorashooyinka qaranka waxa la isla dhexmarayaa oo ah qorshe lagu kordhinayo waqtiga xafiiska dowlada federaalka ee waqtigeedu dhamaaday. “Anaga hadaan nahay booliska gobolka banaadir waxaan…

Cumar C / rashiid: “Carqaladeynta wadahadalada Waxaay Horseedi karaan”

Senator Cumar C / rashiid Cali Sharma’arke, Raysul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo carqaladeynta wadaxaajoodka doorashada iyo natiijada ka dhalan karta. Cumar ayaa tilmaamay in wadahadalada la joojiyay ay su’aal ka keeni karaan mustaqbalka dalka isla markaana ay kordhin karto xaddidaadda dadaallada socda maadaama ay dhammaadeen muddadii sharciga ahayd ee ay hogaamiyayaasha dowladdu lahaayeen. Joojinta wadaxaajoodka doorashada waxay bulshada u horseedi kartaa…

Jacaylka awooda yuusan dalka burburin. Shariif Sheekh Axmed

Shariif Sheekh Axmed oo ah hogaamiyaha Ururka Musharaxiinta ahna madaxweynihii todobaad ee Soomaaliya oo xalay goor dambe la hadlay warbaahinta ayaa ka digay in ay dhamaatay mudo kordhintii loo sameeyay hogaamiyayaasha dowlada federaalka. Wuxuu ka digay in xildhibaanada federaalka aysan kordhin waqtiga ay shaqeynayaan, taasi oo ah mid aan dastuurka waafaqsaneyn oo ay masuul ka yihiin ilaalinteeda. "Waa nasiib daro in kulan uu ku fashilmo isfaham la'aan, madaxweynaha ayaa hada si sharci daro ah xafiiskiisa ugu jooga…

Soomaaliya: 116,000 oo ku barokacay abaaraha ‘Ka sii Daraya ee Dalka’

In ka badan 116,000 oo Soomaali ah ayaa ku barokacay biyo la’aan daran tan iyo bishii Oktoobar 2020, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo Axaddii ay soo saareen dowladda federaalka iyo howlgalka UN-ka ee Soomaaliya. "Inta badan gobollada dalka waxaa soo food saartay biyo la'aan daran, in ka badan 50 degmo ayaa wajahaya abaaro dhexdhexaad ah ama daran." ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo UN-ka ee ku sugan Soomaaliya, kaasoo ay ku muujinayaan walaacooda xooggan "marka lagu daro macluusha.…

Shiinaha ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay tallaalka Sinopharm

Diyaarad sidday tallaalka Shiinaha ee ka hortagga Covid-19 ayaa Axaddii ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. 200,000 oo dawooyinka Sinopharm ah ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Soomaaliya horey ayey u qaadatay talaalka Astrazeneca dad badana way qaateen. Wasiirada caafimaadka ayaa uga mahadcelisay dowladda Shiinaha tallaalka ay u soo dirtay safiirka shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, kaasoo tallaalka ku wareejiyay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya. Dhawaan,…

Mucaaradka Jabuuti ayaa ka hadlay guushii Geelle

C / raxmaan Maxamed oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Raad ahna duqa hore ee magaalada Jabuuti ayaa sheegay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ku guuldareystay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah isla markaana natiijada doorashada aysan waxba soo kordhin doonin. Hogaamiyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar 5aad loo doortay mar kale hogaamin doona dalkaas. Wuxuu ku guulaystay boqolkiiba 98 codadkii la dhiibtay halka murashaxa kaliya ee la tartamayay Sakariye Ismaaciil Faarax uu helay 1.59…

Maxamed Calaa al-Jaliil: “In ka badan 1000 bisadood ayaa xanaaneyaa

Maxamed Alaa al-Jaliil ayaa ah nin qaaday masuuliyada daryeelka bisadaha magaalada Aleppo ee dalka Syria halkaas oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowlada Bashar al-Assad iyo kacdoonki ka soo horjeeday. Waxaa lagu qasbay inuu ka baxo magaalada sanadkii 2015 ka dib markii uu sii xoogeystay dagaalada u dhexeeya kooxaha iska soo horjeeda, laakiin waxaa uu doorbiday inuu daryeelo bisadaha ku jira xeen daabka dagaalka. Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters, Maxamed al-Jaliil wuxuu la wadaagay waqtiyadii adkaa ee ay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More