Dawladda federaalku “way diidday” Baaqii Beesha caalamka
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay xaqiijisay go'aankeeda ah in waqtiga loo kordhiyo hay’adaha dowladda waxayna diiday baaqyada uga imanaya beesha caalamka iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ee ah inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalka si loo xaliyo ismari waaga siyaasadeed.
Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda oo u muuqday mid jawaab u ah baaqyadii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Qaramada Midoobay, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ee horumarinta, ayaa…