Soomaaliya: 116,000 oo ku barokacay abaaraha ‘Ka sii Daraya ee Dalka’

Soomaaliya: 116,000 oo ku barokacay abaaraha 'Ka sii Daraya ee Dalka'

In ka badan 116,000 oo Soomaali ah ayaa ku barokacay biyo la’aan daran tan iyo bishii Oktoobar 2020, sida lagu sheegay bayaan wadajir ah oo Axaddii ay soo saareen dowladda federaalka iyo howlgalka UN-ka ee Soomaaliya.

“Inta badan gobollada dalka waxaa soo food saartay biyo la’aan daran, in ka badan 50 degmo ayaa wajahaya abaaro dhexdhexaad ah ama daran.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka iyo UN-ka ee ku sugan Soomaaliya, kaasoo ay ku muujinayaan walaacooda xooggan “marka lagu daro macluusha.

Qoraal ay soo saartay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Khadiija Maxamed Diiriye ayay ugu baaqday deeq bixiyaasha inay “Si deeqsinimo leh wax u bixiyaan oo ay hadda bixiyaa” si deg deg ah sii loogu jawaabo dhibanayaasha loogana saaro macluusha oo ay tirii waay sii Kordhineysaa saamaynteeda dhibaatooyinka kala duwan ee dalkan ka jira.

“Waxaan wajaheynaa cunno la’aan baahsan, nafaqo darro, barakac iyo cudur. Waxaan hadda u baahanahay maalgelin si loo badbaadiyo nolosha, sii loo yareeyo dhibaatada loona caawiyo intaan xaaladdu noqon musiibo dhammaystiran. ” ayay hadalkeeda ku dartay.

Dadka degan gobolada Gedo iyo Bakool iyo sidoo kale gobolada kale ee dalka ayaa la daalaa dhacay biyo la’aan, dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhowr qof oo ay ku jiraan caruur ay ugu dhinteen biyo la’aan.

Bishii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah inay bixiyaan dhaqaalo ku filan xilli hore si kor loogu qaado awoodda waxqabadka deg-degga ah ee dalka.

Qiyaastii 2.7 milyan oo qof oo ku baahsan dalka ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo, sida ay sheegtay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More