By: Yusuf Said HersiWednesday July 1, 2026
Mar kasta oo calanka buluugga ah la xuso, Soomaaliya waxay dib ugu noqotaa laba taariikhood oo si qoto dheer ugu qoran xusuusta qaranka: 26-kii Juun iyo 1-dii Luulyo 1960. Labadan maalmood ma aha oo keliya fasax qaran; waa laf-dhabarta fikirkii dowladnimada Soomaaliyeed iyo bilowgii riyadii ku dhisnayd xorriyad, midnimo iyo qaran Soomaaliyeed oo buuxa.
26-kii Juun 1960, gobollada Waqooyi waxay ka xoroobeen Boqortooyadii Ingiriiska, iyagoo helay madax-bannaani. Shan maalmood kaddib, 1-dii Luulyo 1960, gobollada Koonfureed waxay ka go’een Talyaaniga, waxaana isla maalintaas labada dhinac si is-xilqaan ah ugu midoobeen dhismaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Midowgaas ma ahayn heshiis siyaasadeed oo qura; wuxuu ahaa muujinta rabitaan qaran oo muddo dheer ka dhex guuxayay shacabka Soomaaliyeed.
Laakiin xuska sannadlaha ah ka dib, su’aasha weli taagan ayaa ah mid adag: ma hirgashay himiladii ay xambaarsanayd xorriyaddii 1960?
Jawaabtu ma aha mid si fudud loogu soo koobi karo “haa” ama “maya.” Soomaaliya waxay soo martay marxalado is-biirsaday oo ay ka mid yihiin dowlad-dhisid, horumar, afgambi, burbur, dagaallo sokeeye, faragelin dibadeed, iyo dadaallo joogto ah oo dib loogu soo celinayo hay’adihii qaranka. Taas macnaheedu waa in xorriyaddii la helay ay weli u baahan tahay ilaalin ku dhisan dowladnimo hufan, sharci, caddaalad iyo midnimo bulsho. Waxa kale oo jirta xaqiiqo siyaasadeed oo aan la iska indho tiri karin: gumeysigu wuxuu ka tagay xuduudo iyo kala qaybsanaan, balse shacabka Soomaaliyeed wuxuu uga tegey hal aqoonsi oo wadajira; af, diin, dhaqan iyo taariikh. Sidaas awgeed, fikirkii Soomaaliweyn wuxuu ka dhashay dareen qaran oo dhab ah, mana ahayn oo keliya hammuun siyaasadeed. Haddana, xaaladaha gobolka iyo nidaamka caalamiga ah ee maanta jira waxay caddeynayaan in himilo kasta oo qaran lagu gaari karo oo keliya siyaasad ku dhisan nabad, wada hadal, iskaashi iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.
Doodda Soomaalinimada ee maanta ma sii ahaan karto hal-ku-dheg kacsan oo dareen ku dhisan; waxay u baahan tahay qorshe qaran. Qarannimo laguma cabbiro hadallo waaweyn, balse waxaa lagu cabbiraa tayada hay’adaha, xoogga dhaqaalaha, heerka waxbarashada iyo kalsoonida shacabka ee dowladdiisa. Dal hay’adihiisu xooggan yihiin ayaa si fiican u difaaci kara danihiisa, halka dal tabar daran uu inta badan ku mashquulo xalinta khilaafaadkiisa gudaha.
Marka la eego waajibaadka maanta taagan, culayska ugu weyn wuxuu saaran yahay dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxay ka badan yihiin kala bar bulshada, waxayna haystaan fursado aanay haysan jiilashii ka horreeyay. Tiknoolajiyada, waxbarashada, ganacsiga caalamiga ah iyo isgaarsiinta casriga ah ayaa siiyay awood ay ku noqdaan jiilka dib u qaabayn kara Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, awood kastaa waxay sidataa mas’uuliyad. Dhalinyaradu waa inay fahmaan in qabiilku uusan noqon karin mashruuc qaran, isla markaana aan dowlad lagu dhisi karin eex iyo kala qaybsanaan. Taariikhda dunidu waxay si cad u muujisay in waddamada horumaray ay ka hormariyeen danta guud tii gaar ahaaneed. Soomaaliya se kama duwana.
Waxaa la joogaa waqtigii dhalinyaradu ka wareegi lahaayeen su’aasha ah “maxaa dalku ii qabtay?” una gudbi lahaayeen “maxaan dalka u qaban karaa?” Taasi waa isla su’aashii ay isweydiiyeen jiilkii horseeday xorriyadda, waana mid maanta mudan in dib loo soo nooleeyo.
Xuska 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo waa in uu noqdaa waqti dib loogu milicsado qiimaha waddaniyadda, isla markaana lagu cabbiro halka ay Soomaaliya maanta taagan tahay. Xorriyaddu ma aha dhacdo taariikheed oo ku egtay 1960; waa hannaan socda oo jiil kasta laga rabo inuu ka shaqeeyo.
Jiilkii xorriyadda wuxuu dalka ka xoreeyay gumeysi. Jiilka maanta waxaa laga rabaa inuu ka xoreeyo saboolnimada, musuqmaasuqa, qabyaaladda, aqoon darrada iyo kala fogaanshaha bulshada. Haddii taas la gaaro, waxaa la oran karaa himiladii 1960 weli way nooshahay.
Taariikhdu waxay na bartay in qaran kasta uu sii waaro inta dadkiisu rumaysan yihiin jiritaankiisa. Soomaaliya waxay leedahay awood aan yarayn: dad dhalinyaro ah, khayraad dabiici ah, juqraafi istaraatiiji ah, iyo dhaqan mideeya bulshada. Waxa keliya ee u baahan in si dhab ah loo xoojiyo waa hoggaan daacad ah, hay’ado shaqeeya, iyo bulsho rumaysan in masiirkeedu gacanteeda ku jiro.
Sidaas darteed, marka calanka buluugga ah la taago sannad kasta, waa in aan xasuusannaa in xorriyadda la dhaxlay aysan dammaanad u ahayn mustaqbalka. Mustaqbalka waxaa dammaanad u ah waxa aynu maanta sameyno.
Jiilkii 1960 wuxuu qoray boggii ugu horreeyay ee dowladnimada Soomaaliyeed. Jiilka maanta ayaa go’aamin doona in boggaasi noqdo sheeko guul ku dhammaata iyo in uu noqdo fursad lumay. Taasi waa imtixaanka dhabta ah ee horyaalla dhalinyarada Soomaaliyeed iyo himilada qaranka.
____________________________
Yusuf Said Hersi.[email protected]







