Isbedel Ku Dhacay Kala Sareynta Horyaalka Premier League Ka

Kooxda Leicester City ayaa soo gashay kaalinta labaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii ay 4-1 ku xasuuqeen kooxda Leeds United oo marti loo ahaa.

Labo daqiiqo ayay ku qaadatay kooxda Dawacooyinka inay hogaanka u qabtaan ciyaarta markii uu shabaqa u soo taabtay Harvey Barnes iyadoo Youri Tielemans uu u labeeyay daqiiqadii 21aad.

Stuart Dallas ayaa gool u soo celiyay Leeds United bilowgii qeybta labaad laakiin Jamie Vardy ayaa ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 76aad isagoo dhaliyay goolka seddexaad iyadoo waqtigii dhimashada ciyaarta uu garsooraha rigoore u dhigay Leicester waxaana u saxiixay Youri Tielemans kaasoo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Natiijadaana ayaa ka dhigan in Leicester City ay soo gashay kaalinta labaad iyagoo leh 15 dhibcood, waxay hal dhibic ka hooseeyaan kooxda hogaanka heysa ee Liverpool oo leh 16 dhibcood.

Tottenham ayaa kaalinta 3aad soo gashay todobaadkan ka dib guushii ay shalay gaareen iyagoo leh 14 dhibcood. Halka Everton oo isbuuca ku bilaabatay kaalinta 1aad ay ku dhameysatay kaalinta afaraad ka dib guuldaradii labaad oo isku xigta oo soo gaartay iyagoo leh 13 dhibcood.

Kooxaha magac waa weyn ee Premier League ayaa kaalimo hoose ku jira iyadoo Chelsea iyo Arsenal ay ka mid yihiin 10ka kooxood ee ugu sareeya waxayna ku kala jiraan 7aad iyo 9aad iyagoo wada leh 12 dhibcood.

Manchester City waxay fadhisaa kaalinta 10aad iyagoo leh 11 dhibcood halka Man United ay ku jirto kaalinta 15aad iyagoo leh 7 dhibcood ka dib guuldaradii isbuucaan ka soo gaartay Arsenal.

#Magaca KooxahaKulamadaFarqiga GoolashaDhibcaha1Liverpool72162Leicester City78153Tottenham Hotspur79144Everton74135Southampton72136Wolverhampton Wanderers70137Chelsea77128Aston Villa66129Arsenal721210Manchester City611111Newcastle United7-11112Leeds United701013Crystal Palace7-31014West Ham United73815Manchester United6-4716Brighton & Hove Albion7-3517Fulham7-7418West Bromwich Albion7-10319Sheffield United7-7120Burnley6-91

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More