Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa xushay liiska xiddigaha kooxdiisa uga qayb qaadanaya kulanka ay booqanayaan dhigooda Alaves ee ka tirsan horyaalka La Liga.
Kulankan ayaa noqon doona mid ay Barca doonayso inay saddexda dhibcood hesho si ay ugaga soo kabato guuldarradii kulankii El-Clasico ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka ka ciyaartay kasoo gaadhay Real Madrid oo ay xifaaltamaan.
Xulashada tababare Koeman ayuu markan ka maqan yahay da’yarka khadka dhexe ee Riqui Puig, macalinka ree Netherlands ayaa sheegay inuu sabab farsamo uga reebay liiska balse aysan wax dhib ahi jirin.
Dhinaca kale waxa aan kusoo bixin liiskan goolhayaha ree Germany ee Marc Andre Ter Stegen oo mudo dhaawac ku maqnaa balse tababarka si buuxda u qaatay dhawaan, sidoo kale Samuel Umtiti oo qudhiisu dhaawac kasoo laabtay tababarkii u dambeeyayna qayb ahaan qaatay.
Liiska Oo Sawir Ah