“Instagram Ayaan isticmaalaa, Waxaan La Socdaa Chamberlain

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday inuu in mudo ahba isticmaalayay barta Instagram oo uu akoon aan la aqoonin kusoo galay baraha bulshada isaga oo waliba xusay sababta ku qasabtay walow uu hore u sheegay inuusan jeclayn.

Qaar kamida tababarayaasha kale ee kubadda cagta ayaa leh akoono baraha bulshada ah waxaana laga xusi karaa Jose Mourinho oo Instagram adeegsada maalmahan ugu dambeeyayna si xoogan sawiro ugu baahinayay.

Klopp oo horraantii sanadkan la weydiiyay haddii uu baraha bulshada isticmaali doono ayaa yidhi “Anigu ma fahmo ama sababta ay tahay inuu qofku u icticmaalo, malaha maalin waan isticmaali doonaa balse taas ma arko”

“Ma fahmo waxa aad u baahantahay inaad dadka kale u sheegto, dadka aanad garanayn, waxa wanaagsan ama aan aad u wanaagsanayn wakhtigan”

Haddaba, haatan Klopp ayaa sheegay inuu ilaa xagaagii dhawaa isticmaalayay barta Instagram isagoo sheegay inuu khadkiisa dhexe ee Alex Oxlade Chamberlain u sheegay inuu la socdo (Follow gareeyay) isaga iyo saaxiibtii.

Klopp ayaa sheegay inuu adeegsado akoon qarsoodi ah oo aan cidina aqoon isla markaana uusan inta badan ahayn mid la heli karo balse uu ugu talo galay inuu ku indho-indheeyo ciyaartoydiisa iyo waxa ay meesha ka wadaan.

“Ilaa xagaagii hore waxaan isticmaalayay Instagram, ma ihi mid la heli karo balse waxaan (La socdaa) dhammaan ciyaartoydayda oo dhan”

“Waxaan horeba ugu sheegay Ox (Alex Oxlade Chamberlain) inaan isaga la socdo iyo saaxiibtii, iyagu (Ciyaartoydu) waxay leeyihiin nolol dhal-dhalaal badan marka aanan anigu la joogin”

“Waxaan leeyahay magac qarsoodi ah, in badan ayaan fahmaa asaasiyaadka baraha bulshada laakiin anigu marnaba noqon maayo mid laga heli karo (Active/Online ah)”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More