QM oo ku waaysay Sadaq John eedeymo ah in uu xiriir la

Golaha Amaanka Qarramada Midoobey ayaa kulankoodii xalay ka sheeegay in wax cadeymo ah loo waayay dacwad ka dhan aheyd taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir General Sadaq Cumar Xasan Saadaq John oo lagu soo eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Xoogga hubaysan ee Al-shabaab.

Kooxdii hore ee QM u qaabilsaneyd kormeerka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (Somalia-Eritrea UN Monitoring Group), ayaa ku eedeeyey Jeneral Saadaq inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab.

Philippe Kridelka oo ah guddoomiyaha guddiga cunaqabateynta ee Qarramada Midoobey sidoo kala ah Safiirka Belgium-ka ee Qaramada Midoobay ayaa golaha ku wargaliyay in ay lagu waayay Sadaq John eedeymihii loo soo jeediyay wixii hadda ka danbeeyana uu soo dhamaaday baaritaankii arintaa ku saabsanaa.

“Waxaan rabaa in aan golaha ku wargaliyo eedeymihii ay soo gudbiyeen guddiga cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee ka dhanka ahaa Sadaq John loo waayay wax cadeymo ah” ayuu yiri yiri  Philippe Kridelka oo la hadlayay Golaha Amaanka.

Safiirka Shiinaha ee QM, Zhang Jun ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waa mowqifkeena joogtada ah in cunaqabteenada noqdaan kuwa aan laga lahayn ujeedo gaar ah. Talalabo kasta oo guddiga ay qaadaan waa in looga dan leeyahay joogteynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kana fogaadan saameyn kasta oo xun oo ay ku yeelan karto horumarka nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Codsiyada sharciga ah ee ay sameeyaan Soomaalida waa in la siiyaan dareenka iyo tixgelinta ay mudan yihiin. Waxaan soo dhoweeneynaa sharaxaadda lagu sameeyey eedeymaha ka dhanka ah Jeneral Saadaq Omar Maxamed, taliyaha ciidamada booliska Gobolka Banaadir”

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa qarreenno heer caalami ah ayaa wadday dacwado ka dhan ah eedeyta kooxda cunaqabateynta hubka oo ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay in marar badan oo hore warbixino aan sax aheyn ka gudbiso xaalada Soomaaliya iyo saraakiisha dowladda intaba.

Sadaq John ayaa ah sarkaal saameyn badan ku dhax leh hay’addaha Nabad-galyada Soomaaliya, isaga oo horay u soo noqday sarkaal sare oo ka tirsan NISA ka hor inta aan loo dalacsiin taliyaha ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More