Dowlada Soomaaliya oo si taxadar leh uga hadashay hadaladii
Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa si taxadar leh uga hadashay hadalo qadaf ku ah diinta islaamka iyo iyo Nabi Maxamed [NNKH] ee ku dhowaaqay Hogaamiyaha dalka Faransiiska Emmanuel Marcron.
War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanada baraha bulshadda ee Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa ciwaan looga dhigay: “Kala saaridda xorriyadda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka Diiniga ah”.
Bayaanka ayaa waxaanan si toos ah loogu carabaabin midkoodna – Dowladda Faransiiska ama hogaamiyaha dalkaas Emmanuel Macron – oo ah shaqsiga ka dhawaajiyey hadalkaas ka careysiiyey malaayiin Muslimiin ah.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka”.
“Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka”.
“Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan”.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay: “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah”.
Cambaareynta xukuumadda Muqdisho ee dhawaqa Macron oo lagu qeexi karo mid soo daahay marka loo eego dalalka kale ee Islaamka ayaa timid xilli ay magaalooyinka qaar ee wadanka dhaceen mudaaharaadyo liddi ku ah France.