Daacish oo sheegatay masuuliyada weerar lagu qaaday fariisin
Ciidamo ka tirsan Daacish oo ku sugan buuralayda Galgala ee gobolka Bari ee Puntland.
Sawir Hore.
- Advertisement -
Ururka Daacish ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar shalay ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdosho , kaasoo lagu dhaawacay saddex askari oo Ciidamada Militeriga Dowladda Faderaalka ah katirsan.
Wakaaladda Acmaaq ee baahisay wararka Daacish ayaa sheegtay in rag bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Ciidamada amaanka xaafadda Xoosha, halkaasi oo uu ka dhacay dagaal daqiiqado socoday.
Mid kamid ah dableyda ayaa lagu qabtay dagaalka isagoo dhaawac ah, wuxuuna hadda ku jira gacanta Ciidanka booliska dowladda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay laamaha amniga Soomaaliya.
Inta badan weerarada ka dhacay Caasimadda waxaa fuliya Xoogga Al-Shabaab, maadaama ay ku xooganyihiin Koonfurta Soomaaliya, halka Daacish ay fariisamo ku leedahay buuralayda gobolka Bari, ee Puntland.
Daacish ayaa saamayn joogitaan muuqda ku leh deegaanadda maamulka Puntland gaar ahaan gobolka Bari oo ay ka gayteen weeraro lagu qaarajiyay saraakiil sar sare oo ka tirsan Puntland.
Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay mudooyinkii dambe, taasoo hoos u dhigtay qaraxyadii dhici jiray iyo dilalkii joogtada ahaa, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidan boolis ah oo gaadiidka habeen iyo maalin baaraya.