Skip to content
Friday, October 9, 2026 26 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:34
Muqdisho 25°C
Breaking: Sadia Moalim Ali Says She Was Tortured for Speaking Out as a Somali Woman
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Hoggaamiye uu Mareykanka madaxiisa dul dhigay $5

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Kabul (Axadle) – Hoggaamiye Taalibaan ah oo ay baad-goobayaan Mareykanka iyo Qaramada Midoobay isla markaasna madaxiisa la dul dhigay $5 Malyan oo Dollar ayaa si lama filaan ah looga arkay magaalada Kabul ee Caasimadda dalka Afghanistan.

Hogaamiyahaan oo lagu magacaabo Khalil Haqqani, isla markaasna ka tirsan kooxda Haqqani ayaa la sheegay inuu Magaalada Kabul u imaaday inuu ka qeybgalo wada-hadallada lagu dhisayo dowlad cusub oo dalka Afgaanistaan uu yeesho.

- Advertisement -

Khalil Haqqani ayaa la sawiray isagoo ku dhex jira dad badan oo ku sugnaa Axadle Afgaanistaan ​​Jimcihii, waxaana hareerihiisa taagnaa rag hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada Militariga.

Hoggaamiyahaan ayaa marka sawirada laga qaadayey wuxuu ku sugnaa Masaajid, wuxuuna khudbad u jeedinayey ciidamo ka tirsan kuwa Taalibaan iyo dad shacab ah oo ku sugnaa Masjidka.

Horraantii toddobaadkan, Abdullah Abdullah – oo ah madaxa Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan – ayaa soo bandhigay sawirro kulan uu la yeeshay Haqqani iyo wafdigiisa Taliban, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee Afghanistan Xamiid Karzai.

Kooxda Haqqani ayey khubarada qaar aaminsan yihiin inay tahay kooxdii dalka Afgaanistaan ka bilowday isqarxinta, waxaana lagu eedeeyay dhowr weerar oo waaweyn oo ka dhacay Afgaanistaan.

Weerarada kooxdaan lagu eedeeyey waxaa kamid ah weerar lagu qaaday hotelkii ugu sarreeyey ee Kabul, isku day dil oo lala damacsanaa madaxweynihii xilligaas Xamiid Karzai iyo weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Safaaradda Hindiya.

How do you rate this story?

0 votes