“Imika Ayaan Ka Wanaagsanahay Waqtigii Manchester United, Didier

Weeraryahanka Chelsea ee Romelu Lukaku ayaa ku dooday inuu ciyaartoy ahaan iyo shaqsi ahaanba horumar badan sameeyey oo uu ka fiican yahay waqtigii uu joogay Manchester United.

Lukaku oo 28 jir ah oo ay Chelsea kala soo saxeexatay Inter Milan ayaa sheegay in labadii sannadood ee uu ku maqnaa Talyaaniga ay wax badan usoo kordheen, isagoo dhinaca kalena qiray in uu xidhiidh fiican la leeyahay halyeygii Chelsea ee Didier Drogba.

Toban sannadood ka hor oo uu horyaalka Premier League yimid, isla markaana uu u ciyaaray  Manchester United, West Brom iyo Everton waxa uu ka dhaliyey horyaalka 113 gool, laakiin Chelsea oo uu saddex sannadood ku jiray liiska ciyaartoydeeda ayaanu hal goolna u dhalin.

Waraysi uu maanta siiyey website-ka Chelsea ayaa waxa uu ku sheegay in uu koritaan xirfadeed sameeyey labadii sannadood ee uu ka hoos ciyaaray Antonio Conte ee Inter Milan uu joogay, isla markaana uu talooyin ka helo Didier Drogba.

Lukaku ayaa yidhi: “Xidhiidhka aan la leeyahay Drogba adduunka oo dhan ayuu iila mid yahay. Ma nihin kuwo bilo kala maqnaada, balse maalmo kooban oo kasta waanu wada-hadalnaa. Waxa aanu leenahay Group aanu si joogto ah ugu xidhiidhno, labadii toddobaad ee tegayna aad ayaanu telefoonka ugu wada hadalnay.

“Su’aalo badan ayaan weydiiyey, dad badanna halkan ayuu ka garanayaa sidaa darteed diyaar ayuu u ahaa in uu tafaasiil kasta isiiyo.

“Hadda waxa aan u baahanahay in aan si fiican u barto ciyaartoyda iyo tababaraha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ahna aan diyaar ugu noqdo kooxda.”

Romelu Lukaku oo 15 ciyaarood oo kaliya u saftay Chelsea waqtigii hore ee uu joogay, waxa kale oo uu ka hadlay isbeddelka ku dhacay markii uu ka tegay Man United, waxaanu yidhi: “Hadda ayaan aad uga wanaagsanay waqtigaas, waxa aan ahay sidii ciyaartoy cusub oo kale oo ka duwan waqtigaas.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More