Real Madrid Oo Bilowday Qorshe Ay Mesha Kaga Saarayso Xiddigaheeda

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa bilowday qorshe ay meesha kaga saarayso xiddigaha waaweyn ee mushaharooyinka badan ka qaata, si ay boos ugu samayso ciyaartoyga ay muddada dheer ku taamayso ee Kylian Mbappe.

Florentino Perez iyo Carlo Ancelotti ayaa la yimid qorshe loogu magac-daray ‘Operation Exit’ ama ‘Qorshaha Bixitaanka’, kaas oo meesha lagaga saarayo ciyaartoyda ay kooxdu rumaysan tahay in aanay faa’iido badan u lahayn waqtigan iyo mustaqbalka toona, taas darteedna ay tahay in kharashkooda faraha badan ee mushaharooyinkooda ah ay kala tagaan.

Los Blancos waxay doonaysaa inay dib usoo ceshato laacibka da’da yar ee Reinier oo January 2020 ay lasoo wareegtay, kaddibna ay amaah kusiisay Borussia Dortmund, halka uu David Alaba si bilaash ah ugu soo wareegay xagaagan.

Kaddib bixitaankii Sergio Ramos, tirada ciyaartoyda Real Madrid ee hadda ayaa ah 29 laacib iyadoo aan lagu darin Borja Mayoral iyo Reinier oo amaah kaga maqan, waxaanu Ancelotti doonayaa in tirada ciyaartoyda la dhimo ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedku.

Ciyaaryahanadda waaweyn ee mushaharka badan ee Real Madrid ay dareensan tahay in ay soo dhaafeen xilligii ay wax-qaban lahaayeen amaba ay saluugsan tahay tayadooda waxa ka mid ah Marcelo oo loo magacaabay kabtanka kooxda ee beddelay Sergio Ramos, Isco, Gareth Bale iyo Mariano Diaz.

Saddex ka mid ah ciyaartoydan ayuu qandaraaskooda ka hadhsan yahay min hal sano oo kaliya, waxaanu Perez dedaal u gelayaa in muddada ka hadhsan suuqa iibka ciyaartoyda uu iibiyo qaarkood, si ay Real Madrid uga hesho lacag faro-guudkood ah.

Gareth Bale ayaa ugu horreeya ciyaartoyda ay ka go’antahay kooxdu inay iibiso, sidoo kalena waxa xaaladdaas oo kale ku jira Raphael Varane oo ay kooxdu doonaysay inay sii haysato balse diiddan in qandaraaskiisa 12ka bilood ka hadhsan yihiin uu kordhiyo, kaas oo isagana lagu daray liiska ciyaartoyda iibka. Difaacan reer France ayay doonaysaa Man United oo la sheegay inay u dhow dahay inay maalmaha soo socda si rasmi ah ula wareegto.

Alvaro Odriozola oo difaaca midig ah oo booskiisa ay ka haystaan Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez ayaa isna ka mid ah qorshaha bixitaanka, laakiin Luka Jovic ayuu Zidane doonayaa in uu joogo, halka Brahim Diaz ay u badan tahay inuu ku laabto AC Milan.

Warbixintu waxay intaa ku dartay, in Miguel Gutierrez, Antonio Blanco, Marvin iyo Arribas oo kooxda da’yarta ku jira in ay qayb ka qaadan doonaan kooxda koowaad oo uu Ancelotti u adeegsan doono sidii Zinedine Zidane oo kale.

Qorshaha Real Madrid ee ciyaartoydan loo sadqaynayo ayaa waxa uu yahay inay boos u banneeyaan Kylian Mbappe oo lacagtii ay mushaharka u qaadanayeen ciyaartoydan kale ay isaga siiyaan, halka dhaqaalaha kasoo xerooda iibka ciyaaryahannadana ay iyaduna qayb ka noqon doono lacagta ay Real Madrid ku dalbanayso Mbappe oo isagana heshiiskiisa PSG ay ka hadhsan yihiin 12 bilood oo kaliya, dhowaanna ku wargeliyey tababare Pochettino in aanu saxeexi doonin qandaraas cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More