Natiijada rasmiga ah ee doorashadii Ethiopia oo la shaaciyey…

Addis Ababa (Axadle) – Xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee Prosperity Party (PP) ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashooyinkii baarlamanka Ethiopia, waxaa sidaas ku dhowaaqay guddiga doorashada.

Guushan la shaaciyey, ayaa ka dhiggan in Abiy Ahmed uu xilli labaad ku guuleystay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystay tiro ay adag tahay in la rumeysto oo ah 410 ka mid ah 436-ka kursi ee baarlamanka, ama 94%, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele, oo shir jaraa’id ku qaabtay magaalada axadle ah ee Addis Ababa. 

Abiy ayaa doorashadii dhacday 21-kii June ku macneeyey tii ugu horreysay oo si xor oo dhex-dhexaad ah uga dhacda dalka, kadib tobaneeyo sano oo nidaam dadka caburiya ah. 

Si kastaba, qaadacaadda mucaaradka, dagaallo, rabshado qowmiyadeed iyo caqabado dhanka farsamaha ah ayaa hareeyey doorashada. Sidoo kale doorashada kama aysan dhicin saddex ka mid ah 10-ka gobol ee Ethiopia.

Hoggaamiyaha mucaaradka Berhanu Nega ayaa sheegay in xisbigiisa Ezema ay diiwaan-geliyeen 207 ashtako kadib markii saraakiisha deegaanka iyo maleeshiyo ay u diideen kormeerayaasha inay tagaan gobolka Amhara iyo gobollo kale. 

Birhanu ayaa doorashada ku waayey kursigiisa, waxaana xisbiyada mucaaradka ay ku guuleysteen kaliya 11 kursi.  

Dowladda Mareykanka ayaa doorashada ugu yeertay mid ay qaladaad badan ka buuxeen, ayada oo cuskaneysa xarigga qaar ka mid ah mucaaradka iyo amni-darro ka jirto qeybo badan oo dalka ka mid ah.

Doorashada ayaa tijaabo u aheyd Abiy Ahmed oo xukunku yimid bishii April 2018 kadib markii ra’iisul wasaarihii hore uu is-casilay xilli ay rabshasho iyo dibad-baxyo hareeyeen dalka. 

Abiy ayaa isbeddelo siyaasadeed ka sameeyey dalka bilihii ugu horreeyey xukunkiisa, hase yeeshee wuxuu dib uga laabtay ballan-qaadyadii uu sameeyey ee la xiriira siyaasadda iyo warbaahin xor ah.  

Waxa uu sidoo kale cambaareyn caalami ah kala kulmay dagaalkii uu ku qaaday gobolka Tigray oo ay ku dhinteen kumanaan qof, lagana soo weriyey xasuuq iyo xadgudubyo bani’aadannimo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More