Skip to content
Tuesday, August 25, 2026 11 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:46
Muqdisho 25°C
Breaking: More Than 30 Chinese Companies Attend Somalia-China Business Forum in Mogadishu
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Duqa Muqdisho oo xoolaha ka mamnuucay gudaha Magaalada,Wareegto

Follow
Newsroom published Updated 8 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa wareegto uu soo saaray ku mamnuucay Xoolaha lagu siidaayo Magaalada gudaheeda.

Wareegtadan waxaa uu digniin ugu diray dadka leh Xoolaha,waxaana uu ku sheegay in qofkii saddex jeer la ganaaxo ee aan xoolaheeda ka celin magaalada lagala wareegayo.

- Advertisement -

Xoolahan,waxaa ay isugu jiraan Ari Lo’ iyo Geel,waxaana caadi ka ah Magaalada in aad ku dhex aragto Xoole daaqaya.

Maamulladii ka horreeyay Maamulka Yariisow ayaa sidan oo kale dhowr jeer soo saaray wareegtooyin iyaga oo sidoo kale sameeyay Xeryo xoolaha lagu qabto,iyada oo aanay waxba ka dhaqan gelin.