Skip to content
Monday, August 31, 2026 17 Rabi al-Awwal 1448 AH Fajr 04:45
Muqdisho 23°C
Breaking: Around 15 People Feared Missing After Flash Flood in Grand Canyon
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

“Xhaka Abid Sidan Ma Sameeyeen” – Hoggaaminta Aubameyang Oo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Jamaahiirta Arsenal ayaa ka cadhooday kabtanka kooxdooda ee Pierre Emerick Aubameyang kaddib kulankii xalay ay guuldarrada kala soo kulmeen dhigooda Manchester City iyadoo muran la geliyo hoggaamiyenimadiisa.

Kabtanka Arsenal ayaa u muuqday mid la kaftamaya khadka dhexe ee City ee Aubameyang oo ay Borussia Dortmund kasoo wada tirsanaayeen waana sababta ay taageerayaashiisu ka xanaaqeen inuu qosol iyo kaftan meesha keeno iyagoo hadda uun guuladaraystay.

- Advertisement -

Labada ciyaaryahan ayaa erayo dhawr ah is dhaafsaday isla markaana garoonka dhexdiisa ku dhoolacaddeeyay kahor intii aysan qaybta garoonka looga baxo u dhaqaaqin.

Jamaahiirta kooxdiisa ayaa dareenkooda ficilka uu sameeyay kusoo bandhigay baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter-ka iyagoo qaarkood sheegay in kabtankoodii hore ee Granit Xhaka uusan marnaba sidaas sameeyeen.

Taageeraha koowaad ayaa yidhi “Maxaa baas ee uu ku qoslayaa, hadda ayumbaynu guuldarraysanay inaga oo bandhig aad u xun samaynay iyadoo aan ku dhawaad ciyaartoyda la weydiisan inay wuxuun sameeyaan”

“Hubaashii ugu yaraan waxa uu sugi karayay ilaa ay gudaha garoonka galayaan, aniga waxba igama gelin waxa uu qabto (Laakiin maaha) wakhti iyo goob lagu maadaysto” ayuu yidhi mucaashaq kale oo Gunners ahi.

“Auba inuu wada sheekaysi u istaago oo uu la qoslo ciyaaryahan City ah kaddib guuldarro si fudud maaha mid la aqbali karo” ayuu yidhi taageere kale oo Arsenal ahi.

Taageerahan oo ah midka Xhaka meesha keenay ayaa isaguna yidhi “Xhaka abid ma sameeyeen”