Chelsea Oo Qasnaddeeda U Furtay Xiddigan, Arsenal Oo Iibinaysa Leno,

Liecester City ayaa hoggaanka u qabatay tartanka ay kooxaha Premier League ugu jiraan xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho oo 29 jir ah. Wada-hadallo ayaa u dhexeeya labada kooxood ee Leicester City iyo Barcelona, waxaana la sheegayaa in qiimaha laacibkan uu yahay £17 milyan oo Gini oo kaliya oo ay Foxes bixin doonto. Waxa kale oo miiska saaran in qaab amaah ah ay ku qaadato. (Mundo Deportivo)

Real Madrid ayaa heshiis cusub u bandhigtay kabtankeeda Sergio Ramos oo 35 jir ah. Los Blancos ayaa ka baqaysa inuu ka tago Raphael Varane oo 28 jir ah, qandaraaskiisana sannad kali ahi ka hadhsan yahay. Sidaas darteed ayay Ramos usii haysanaysaa. (AS)

Leeds United ayaa doonaysa saxeexa difaaca bidix ee Lyon ee Maxwel Cornel, laakiin waxa dhibaato ku ah qiimaha lagu xidhay oo ah £20 milyan oo Gini oo ay Lyon doonayso in ay ku iibsio 24 jirkan reer Ivory Coast. (Sun)

Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa weydiistay maamulka kooxda, in ay u keenaan weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner. (Fichajes)

Kubbad-sameeyaha reer Spain ee Juan Mata oo 33 jir ah, ayaa lagu wargeliyey inuu mushahar dhimis sameeyo, haddii uu doonayo inuu sii joogo Manchester United. Laacibkan oo heshiiskiisii hore ku egyahay bishan June ayay United ku wargelisay, in kaliya £70,000 Gini uu qaato toddobaadkii haddii kalena uu iska tago. (Star)

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ogolaaday in kooxdu iibiso goolhayaha reer Germany ee Bernd Leno xagaagan, haddii ay helaan beddelkiisa. (Mirror)

Chelsea ayaa qasnaddeeda u furtay xiddiga reer Morocco ee difaaca midig uga ciyaara Inter Milan ee Achraf Hakimi oo dalab hore oo ay gudbiyeen laga soo diiday. Blues ayaa qasnaddeeda dib ugu noqotay oo mar kale furtay, waxaanay soo diyaarisay £43 milyan oo GIni iyo Emerson Palmieri oo ay ku xoojinayso. (Corriere dello Sport)

Goolhayaha reer Spain ee David de Gea oo 30 jir, ayaa laga wariyey inuu sheegay, in mustaqbalkiisa Manchester United uu mugdi ku jiro, wada-hadalna ay yeelan doonaan tababare Ole Gunnar Solskjaer si loo go’aamiyo mustaqbalkiisa Old Trafford. (Mirror)

Borussia Dortmund ayaa kordhinaysa heshiiska ay kula jirto da’yarka reer England ee Jude Bellingham oo bishan dhamaadkeeda 18 jir noqonaya. Heshiiska cusub ayaa socon doona illaa 2025. (Bild)

Arsenal waxay danaynaysaa inay lasoo saxeexato laacibka khadka dhexe ee reer France ee Nabil Feikir oo u ciyaara Real Betis, laakiin Gunners ayaa la diyaar ah lacag ka hoosaysa inta kooxda reer Spain ku xidhay saxeexa 27 jirkan. (AS)

Xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Jesse Lingard oo 28 jir ah, ayaa u sheegay tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer in uu doonayo, in uu sii joogo Old Trafford, kaddib bilo amaah ahaa oo uu West Ham wacdaro kasoo dhigay. (Sun)

Goolhayaha Juventus ee Gianluigi Buffon oo 43 jir ah, ayaa la sheegay inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Parma ee uu u ciyaari jiray da’yaraantiisii, taas oo uu ka tegay 20 sannadood ka  hor. (Sky Italia)

Laacibka reer France ee Moussa Sissoko oo khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ayaa soo galay diiradda kooxda  Talyaaniga ah ee  Napoli. (Sky Italia)

Bernardo Silva ayaa doonaya inuu iskaga tago Manchester City oo uu ku biiro Barcelona ama Atletico Madrid. (Duncan Castles).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More