Skip to content
Wednesday, August 26, 2026 12 Rabi al-Awwal 1448 AH Dhuhr 12:00
Muqdisho 26°C
Breaking: Kenyan police arrest suspect linked to robberies in Garissa
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Al-Shabaab oo sheegtay in ay weerar Saldhigyo Ciidanka Kenya ku leeyihiin Jubada Hoose.

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Al-Shabaab-oo-sheegtay-in-ay-weerar-Saldhigyo-Ciidanka-Kenya-ku

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay xili hore weerar safmar ah ay ku qaaday xeryo ciidamada Kenya ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Degmada Afmadow iyo Deegaanka Qooqaani.

Dagaalka ayaa ku bilawday Garneelada Garbaha laga tuuro, waxaana ka qaybgalay Gaadiidka Ciidamada ee hubka culus ku xiran, halka mararka qaar la maqlay Hoobiyaal lagu tuuray xerada iyo kuwo Askarta ay ku jawaabayeen.

- Advertisement -

Ciidamada Kenya waxaa Afmadow la jooga Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland, waxaana isu dhaw saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka Degmadaas, halka Qooqaani sidaas oo kale isla degen yihiin.

“Xooggag katirsan Al-Shabaab ayaa weerar safmar ah ku qaaday saldhigyo Ciidamada Kenya iyo kuwa Axmed Madoobe ee Degmada Afmadow & Deegaanka Qooqaani, waana weerarkii labaad oo muddo todobaad ah oo lagu bartilmaameedsado Saldhigyadaan” sidaasi waxaa Daabacday Warbaahinta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaare dhankooda gaaray, iyo waxyeelo ay gaarsiisay Ciidamada Kenya iyo kuwa Daraawiishta DG Jubbaland, kaliya waxa ay sheegtay in weerarka uu ka dhacay Xeryaha Ciidamada huwanta ah.

Ilaa haatan kama aysan hadlin Kenya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland dagaalkaan saakay ka dhacay Gobolka Jubada Hoose.

Axadle