Wasiir ka tirsan DF oo sabab yaab leh u dalbatay baaritaan l…

Muqdisho (Axadle) – Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay doorashada golaha deegaanka iyo wakiilada Gobaladda Waqooyi ee dhacay 31-kii May, kuwaas oo shalay lasoo geba-gebeeyey shaacinta natiijooyinkooda.

Wasiirka haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegtay in la baarayo sababta 82 kursi oo Baarlamanka Gobaladda Waqooyi loo tartamay hal dumar ah looga waayay, sidoo kale 221 kursi oo golayaasha deegaanka ah ay haweenka uga heleyn keliya saddex xildhibaan deegaan oo kaliya.

“Wasaaradda Haweenka, waxay si dhow ula socotay doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka qabsoontay Gobaladda Waqooyi 31 bishii May, taas oo ku dhacday jawi nabad geliyo ah, Murashaxiinta golaha baarlamaanka Gobaladda Waqooyi, waxaa kamid ahaa gabdho lahaa hami siyaasadeed oo doonayay in ay kamid noqdaan golaha wakiilada oo ka kooban 82 kursi, nasiib daro dhammaan kuraasta waxaa ku guuleystay rag oo qof dumar ah kuma soo bixin tartanka ayaa lagu yiri,” ayey wasiirka ku tiri qoraal ay soo saartay.

Sidoo kale qoraal ay si gaar ah usoo dhigtay barteeda shaqsiga ee facebook ayey qeexid cusub ugu sameysay doorashada ayada oo tiri “Doorashada qof iyo codka ah ee Gobaladda Waqooyi, 82 kursi oo Barlamanka loo tartamay hal dumar ah kama soo bixin  . Sidoo kale 221kursi oo golayaasha deegaanka ah haweenku keliya waxay heleen sadex  xildhiban deegaan.”

Ugu dambeyn Wasaaradda Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo sababta ay ku dhacday in xitaa hal qof oo dumar ah ku guuleysanin in ay kamid noqoto baarlamaanka Gobaladda Waqooyi oo ka kooban 82 xildhibaan.

Doorashada ka dhacday deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ku tartamay xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani, iyadoona doorashada sanadkaan ku jirin wax haweyn ah, waxaana durba dhaliilay siyaasiyiin iyo xukuumadda Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Soomaaliland oo ku aadan arinta ay ka dhalatay hadal haynta badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More