GEERI Ka Dhacday Xafladii Dabaaldega Atletico Madrid Ee Xalay &

Dhacdo argagax leh ayaa xalay ka dhacday badhtamaha magaalada Madrid intii ay socdeen dabaaldegyadii hanashada horyaalka La Liga ee kooxda Atletico Madrid.

Kumanaan taageerayaal ah ayaa iskugu soo baxay banaanka caasimada Spain kaddib markii ay kooxdoodu guul 2-1 ah kasoo gaadhay Real Valladolid iyaga oo si rasmi ah ugu guuleystay horyaalka.

Dabaaldegaas ayuu ku geeriyooday wiil yar oo 14 sano jir ah oo kamid ahaa mucaashaqiinta Rojiblancos, sida uu sheegayo wargeyska El Pais, taageerahaas da’yarka ah ayaa saarnaa gaadhi bas-yar ah.

Baska yar ayuu wiilkaas yari ahaa mid ku dabaaldegayay isaga oo inta badan jidhkiisa kala baxay daaqada baabuurka kahor inta uusan madaxa ku dhufan meel gidaar ah oo ku taala agagaarka Plaza de Santa Ana.

Gaadhiga baska yar ah ayaa ahaa mid siday dhalin dhawr ah oo da’yar kuwaas oo badi jidhkoodu banaanka yaalay, gaadhiga oo xawli ku socday ayaa dhawr meelood ku dhacay kahor inta uusan ku dhicin goobta baabuurta lagu baakimo ee uu shilku ka dhacay.

Goobta shilkaasi ka dhacay ayay si deg-deg ah usoo gaadheen baabuur “Ambulance” ah balse waxa ay awood u yeelan waayeen inay 14 sano jirkaas badbaadiyaan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More