DAAWO: Erling Haaland Oo Dhacdo Bini-Aadanimo Oo Aan Hore Uga Dhicin

Da’yarka weerarka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland ayaa shalay sameeyay dhacdo aan hore loogu arag kubadda cagta kaddib markii uu garanka ka bedeshay garsoorihii ciyaartii dhex martay Bayer Leverkusen.

Xiddiga ree Norway ayaa laba gool kasoo dhaliyay ciyaar ay 3-1 uga adkaadeen Bayer Leverkusen iyadoo daafaca mudada dheer usoo ciyaarayay Dortmund ee Lucasz Piszczek uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeyay ee kooxda.

Erling ayaa laba gool oo uu kulankaas kasoo dhaliyay ku gaadhay 41 gool xilli ciyaareedkan dhammaadka ah tartamada oo dhan.

Kulanka kaddib ayay kaameradu qabatay Haaland oo la hadlaya garsooraha caanka ka ah Bundesliga ee Manuel Grafe kaas oo ay u ahayd kulankii ugu dambeeyay ee uu qabto ciyaar.

Haaland ayaa maadaama oo ay ahayd ciyaartii ugu dambaysay ee garsoore Grafe sameeyay dhacdo soo jiidasho leh isaga oo maaliyada ka bedeshay kaddibna sawirro halkaas kula galay.

Toddobaadyo kahor ayay ahayd markii Haaland oo Man City kaga hortagay Etihad Stadium uu garankiisii ciyaarta siiyay caawiyihii garsoore ee ciyaartaas ee Octavian Sovre kaas oo iibinayay kaddib lacagta uu ka sameeyo tabaruc ku bixinayay walow uu ganaax kula kulmay dhacdadaas.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

Yes, Haaland swapped shirts with the referee ?pic.twitter.com/HocXcWjoWi

— ????? ⚡ (@FPL_FC) May 22, 2021

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More