Waraabe oo sheegay In Geelle ‘go’doominaayo Somal-iland

Hargeysa (SLpost) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa markii shanaad weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulan ka dhacay aqalka Naadiga ayaa Faysal Cali Waraabe ka sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo ay la yihiin Madaxweyne Geelle isla markaana uusan jeclayn siyaasadihiisa kalitalisnimo.

Wuxuu ku tilmaamay madaxweynaha Jabuuti cadow Somaliland ah, oo raadineysay aqoonsi caalami ah soddonkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sheeganeysa inay ka go’day Soomaaliya.

“Kuma raacsani Ismaaciil Cumar Geele, waayo Ismaaciil waa cadowga Somaliland, maxaa yeelay waligiis ma aqoonsan jirin Somaliland. Jabuutina kuma hakan doonto Ismaaciil” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Madaxweyne Geelle aanu ka bixi doonin Djibouti, maadaama uu gebi ahaanba curyaamiyay siyaasiyiinta ka soo horjeedda isla markaana uu caburiyey hoggaanka dalka.

Faysal wuxuu dhowr jeer muujiyey taageerada mudaharaadyada looga soo horjeedo ismacil Cumar Geele, mudadaas oo uu ku tilmaamay “gacan qabasho iyo gacan ka hadal” Jabuuti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More